Afisoone markii aan arkay inaad xiisaynaysid java, haddana ku wareersan tahay ayaan go,aan ku gaaray inaan java library isticmaalkiisa kuu sharxo.
Hordhac “java library documentation”
Java libraries wey baaxad weyn tahay, waxayna ka kooban tahay kumanaan qeybood “clasess” oo diyaar ah iyo (methods). Method-yadaasi waxay isugu jiraan qaar leh parameters sida (String name ) iyo qaar aan laheyn parameters sida String(). Sidoo kale waxaa jira qaar jawaab soo celinayo (return) sida ‘public String getName()’ iyo qaar aan waxba soo celineynin sida ‘void’ .
(java.lang) waa nooca kaliya ee standarka ah ee diyaarka ku ah barnaamij walba oo aad qoreysid ee aan u baahneyn inaad (import) sameysid. Wixii package- kan kasoo hara oo dhan waxaad u baahantahay inaad ‘import’ sameysid, tusaale ahaan (import java.util.ArrayList) iwm.
Hal nooc oo ka mid ah (java.lang) package-kaan waa String class waxaana qeexay java standard(defined by java standard) oo aan casharkaan uga hadli doono.
Noocaan String class waxuu ka kooban yahay in kabadan 65 ‘methods’ iyo ‘constructors’ isugu jira.
Uma baahnid inaad ‘class’ walba iyo method-yadooda xifdisid, laakin waxaad u baahan tahay inaad baratid kuwa ugu muhiimsan sida (String class), kuwa kalena waa inaad fahamtid habka loo raadiyo iyo isticmaalkoodaba,sababtoo ah waxay isugu jiraan qaar aad mar walba isticmaali doontid iyo qaar aadan weligaa isticmaali doonin.
Si kastaba ha ahaato marnaba kama maarantid isticmaalka java documentation-kiisa, sababtoo ah wuxuu kaa caawinayaa barashada luuqada ‘java’ iyo inaad si sahlan u qortid barnaamijyo fiican oo wax tar leh. Sidoo kale waa marjacii aad ku laaban laheyd haddii ay wax shaki ah meel kaa galaan. Waxaan xoogga saari doonaa barashada ‘Java documentation-kiisa,iyo isticmaalkooda Insha Allaah.
Tusaale2: .Guriga waxaa kuu yaalo (television), TVga marka aad dooneysid inaad ‘channal’-ada bedbedesho sida ‘Aljazeera, BBC ama UniversalTV ‘waxaad u baahan tahay ‘Remote Control’
luuqada Java Tvgaaga waxay u taqanaa walax(Object)
Remote controlkana ( Reference)
TV mytv = new TV();
mytv.bedelChannalka("1 Aljazeera");
mytv.bedelChannalka("2 BBC");
mytv.bedelChannalka("3 UniversalTv");
Ogow markiiba hal ‘channal’ kaliya ayaad daawan kartaa!!!
maadaama hal Television meesha yaalo. Saaxiib ma ila socotaa ?
waxba ha walwelin,marka aad barnaamijka oo shaqeynayo aragtid ayaad si fiican u qosli doontaa.
Afisoone java library
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.

Re: Afisoone java library
Waa maxay ‘String’
String waa xuruuf taxana ah oo isku daba xiriira kuna dhex jira (quote)
”shaqal ”. sidoo kale ‘String’ (object) waa (immutable/unchangeable) aan la bedbedeli karin wixii lagu kaydiyo weligiis sidaas ayuu ahanayaa. Waxaan halkaan ka galeynaa String iyo wixii la xiriira.
Haddii aad dooneysid inaad samaysid (create) object “walax” cusub waxaad u baahantahay Inaad horta u yeertid (invoke) Constructor.
Sheekadii Constructor iyo Canab dhex martay constructor maxaa qabataa?
constructorka class waxaan qabtaa shaqo gooni ah. hayeh
(allocate memory) walxaha ayaan boos(meel) uga qabtaa xasuusta computerka. cajiiiib!!! hayeh
booskaas aan u qabtayna waxaan u sameeyaa (initialization) aas aas fiican. Waan gartay saxiib laakiin, adiga iyo methodka sidee leydinku kala gartaa?
HmmJ waa su’aal fiican. methodka wuxuu leeyahay ‘return type’
Ama ‘void’ aniguse midna ma lihi. Ma saasaa ?
haa saaxiib, waxaa kaloo laygu gartaa waxaan markasta isku magac nahay classka. shukran constructor.
String wuxuu leeyahay dhawr constructor, midka ugu horeeyo oo aan arki doono waa String() Constructor ebar ah oo aan waxba wadanin.
***************************************************************************
Tusaale3: String fariin = new String(); // String() default constructor
System.out.println(“fariintaan waxba kuma jiraan ”+fariin);
****************************************************************************
Constructor 2aad String(String str )
waa Constructor wata hal walax (object) oo string ah.
**************************************************************************
Tusaale4: String fariin1 = new String("saaxiib ma yaaban tahay");
String fariin2 = new String(fariin1);
System.out.println(fariin1);
System.out.println(fariin2);
********************************************************************************
Constructor intaas ayaan uga gaabsaneynaa,hadda waxaan u galaynaa String class method-yadiisa si aad iila socotid waxaad u baahan tahay java documentationkiisa inuu kuu diyaarsan yahay.

Afisoone casharkaam waxaan u gada galaynaa method casharada soo socda ka hadli donna fields
Method Detail
Class-ka String wuxuu leeyahay qayb lagu magacaabo method details,
qaybtaas waxay kuu sheegeysaa habka loo isticmaalo method walba.
methodga ugu horeeya aan fiirin doono waa
public boolean equals (Object anObject) &
public boolean equalsIgnoreCase(String another String)
equals()
equals() waxaa loo isticmaalaa haddii labo qoraal isku mid yihiiin waxay soo celinayaan run(true) haddii kale (false).
equalsIgnoreCase()
equalsIgnoreCase() waxaa intaas usii dheer haddii labada qoraal ay isgu jiraan far waaweyn(Uppercase) ama far yaryar(lower case) wuxuu ka dhigaa halmid.
Ogoow labadaan method waxay soo celinayaan boolean oo ah Run ama been (true or false ) *************************************************************************************
import java.util.*;
public class Xawaalada {
public static void main(String[] args) {
String jawaabta;
Scanner in= new Scanner( System.in );
System.out.println("Welcome xawaalada Cirgujiye.com");
System.out.println();
System.out.println("Walaal ma lacag baa direysaa?(Haa/Maya)");h
jawaabta = in.nextLine().trim();
if(jawaabta.equalsIgnoreCase("haa"))
{
System.out.println();
System.out.println("Imisaa dooneysaa inaad dirtid ");
int qiimo = in.nextInt();
System.out.println("waa "+(qiimo+5) +" dollar");
} else {
System.out.println("Mac salaamo ");
}
}
}
*******************************************************************************************************
Sharax kooban: Barnaamijkan marka aad ka shaqeysiisid waxa ugu horeeya ee kusoo baxaya waa su,aal u baahan (Haa ama Maya). if(jawaabta.equalsIgnoreCase("haa")) haddii jawaabtaadu Haa tahay equalsIgnoreCase() wuxuu isku fiiriniyaa (“haa”) daan iyo (“Haa”) daada inay isku mid mayihiin, haddii ay isku mid yihiin barnaamijka waa sii shaqeynayaa, haddii kale wuxuu soo celinayaa false, barnaamijkana sidaas ayuu ku dhamaanayaa.
(IgnoreCase) shaqdiisu farta ha weynaato ama ha yaraato hal mid ayuu ka dhigayaa.
Faalo: java tarjume (compiler) nooca 1.5 kahor ma jirin hab sahlan oo kiiboordkaaga aad wax kaga soo akhrisid,nasiib wanaag arintii hadda waa la xaliyey oo soo saaridii (release) nooca 1.5ka ayaa packageka util lagu soo kordhiyey . Scanner in = new Scanner(system.in)
Haddii aad rabtid inaad kiiboordkaaga wax kasoo akhrisid constructorka ‘Scanner’ ayaad isticmaalaysaa sidii String aad u isticmaali jirtay oo kale.
Sidoo kale Constructor wuxuu leeyahay habbab(methods) kale sida
In.nextLine(): isticmaal haddii aad rabtid inaad qortid halmar sadar dhan oo wata durjin(space).
Tusaale:System.out.print(“walaal magacaa”);
String name = in.nextLine();
In.next(): isticmaal sadar(sentence) , laakiin durjin (space) wadanin
Tusaale: String firstName = in.next();
Int sannad = in.nextInt() // u isticmaal wixii numbers ah
System.out.print(“Imisa jir baa tahay”);
Int sannad = in.nextInt();
Sidoo kale nextDouble iyo float iwm sidaas u isticmaal.
Faalo: ( == )
Calamadaan shaqo kale ayay qabataa markii loo isticmaalayo numbarada iyo ( primitive types) haddiii labo numbar isku mid yihiiin waxay soo celinayaan run(true) haddii kale qalad Tusaale
public class xisaabi {
public static void main(String[] args){
int num1 = 30;
int num2 = 30;
if(num1 == num2 )
{
System.out.println(num1+" Sax waa isku mid "+num2);
}
else
{
System.out.println("qalad isku mid ma aha ");
}
}
}
Laakiin calaamadaan (==) marka loo isticmaalaayo walxaha(objects) waa ka duwan tahay sababtoo ah walxaha toos wax uguma keeydiyaan xasuusta(memory) ee waxay isticmaalaan falaar (reference) sheegeyso meesha ay wax ku keeysan yihiin. Tusaale
Java
arday1
Java
arday2
Sidaa u fahamtid waxaan sameynay labo (reference) iyo labo walaxood (objects).haddii aan isticmaalno calamadaan (==) si aan ogaano arday1 iyo ardayr2 isku wax ku keeysan yihiin.
String arday1 = new String("JAVA");
String arday2 = new String("JAVA");
if(arday1 == arday2 )
{
System.out.println("Sax isku wax ku keeysan ");
}
else
{//tan aa soo baxeeyso
System.out.println("qalad isku wax kuma keeysana ");
}
}
}
Maxsuulka waxaa soo baxay “qalad isku wax kuma keeysana.” xataa walxaha ayagoo isku mid ah,sababtoo ah ma fiirinaayo waxa ku keeysan walxaha JAVA,JAVA ee wuxuu fiirinaa arday1 iyo arday2 isku falaar(reference) mayihiin.Madaama arday1 iyo arday2 laba falaar(reference)kula duwan yihiin maxsuulka sidaas uu qalad kusoo baxay. Barnaamijkaan oo sidiisa ah sadarkaan if(arday1 == arday2 )
Waxaa ku bedeshaa if(arday1.equals(arday2) ) //maxaa kusoo baxay?
public int length()
Length().shaqadiisu waa inuu soo gudbiyaa waxa ku jira walaxda (object) iyo inta tiro ee ay ka kooban tahay.
Tusaale:
***********************************************************************
Public class Tiri {
Public static void main(String[] args) {
String salaan = "Eid Mubarak";
int tiri = salaan.length();
System.out.println("salaan wuxuu ka kooban yahay " + tiri + " xarfood");
}
}
**********************************************************************
public int length() {
if(name.length() < 4 )
System.out.println(
"khalad magac waa inuu ka badnaada ugu yaraan " + name +" afar xarfood");
return name.length();
}
public int compareTo(String anotherString)
(compareTo) waxaa loo isticmaalaa
qaamuuska(dictionary) iyo xarfaha sida ay ukala horeeyaan.
CompareTo(String str) wuxuu caloosha (argument) ku qataa walax(object) oo xuruuf ah.Wuxuuna soo celiyaa aakhirkii number!!!. Sidee ku dhici kartaa?
Tusaale: int ufiirso = str1.compareTo(str2);
public static void main(String[] args){
String arday1 = new String("isbarjava1");
String arday2 = new String("isbarjava2");
// isku fiiri labadaan qoraal
int jawaabta = arday1.compareTo(arday2);
if (jawaabta < 0) //qoraalka arday1 ayaa yar
{
System.out.println("\"" + arday1 + "\"" + " wuxuu ka yar yahay " +
"\"" + arday2 + "\"");
}
else if (jawaabta == 0) // si ay run u noqoto labada qoraal ka dhig halmid
{
System.out.println("\"" + arday1 + "\"" +
" waxay isku mid yihiin" +
"\"" + arday2 + "\"");
}
else // if (jawaabta > 0) //si ay run u noqoto arday1 hal xaraf ku dar
{
System.out.println("\"" + arday1 + "\"" + " wuxuu ka weeyn yahay " +
"\"" + arday2 + "\"");
}
}
}
Tusaale5:*****************************************************************
public class String2 {

String str1 = "baro java afsoomaali";
String str2 = "baro java afsoomaali";
int iskufiiri = str1.compareTo(str2);
if(iskufiiri == 0) //madaam shardigaan sax yahay
{
System.out.println("waa isku mid "); //printgareey
} else {
if(iskufiiri < 0)
{
System.out.println(str1 +" horta kadib " + str2 );
}else{
System.out.println(str1 +" danbeeya" + str2 );
}
}
}
}
***********************************************************************************
Substring
public String substring(int beginIndex,int endIndex)
methodka afaraad aan fiirin doono maanta waa substring waxaa badanaa loo isticmaalaa shirkadaha waa weyn iyo ardayda dhigata jaamacadaha
sababtoo ah shaqaale kasta ama arday kasta wuxuu leeyahay ID Card
IDgaas badanaa wuxuu ka kooban yahay sadeed xarfood labada ugu danbeeysa waxaa lagu gartaa qeeybta uu ka shaqeeyo.
Tusaale: ID E0001HR qofkaan wuxuu u shaqeeyaa Human Resource department sidoo kale
MT: Marketing
SC: Social Science
FN : Finance
CS: Computer Science
GD: Gaadiidka Dadweynaha iwm.
Methodkan substring(int start int end) wuxuu caloosha ku qataa labo number, numberka aad rabtid inuu ka bilaabmo ilaa iyo numberka aad rabtid inuu ku dhamaado. Tusaale6:
**************************************************************************
String str1 = "Soomaali weyne";
String kasooreeb = str1.substring(5,14);
************************************************************
waxaad isii saa xarafka 5naad oo ka bilaabma ‘a’ ilaa iyo xarafka ugu danbeeya oo ah ‘e’ waxaa kusoo bixi doona (ali weyne)
fiiro gaar ah: ‘substring’ ma soo celiyo number(int) sida compareTo() ama length() sidoo kale ma soo celiyo boolean sida equals() oo kale ee yaab waaye muxuu soo celiyaa???
Tusaale 7:
barnamijkaan waa dhameystiranyahay class &main kaliya ku dar

String str = "E0001HR";
String kasoreeb = str.substring(5,7);
System.out.println("Department:" +kasoreeb); //maxsuulka waa HR
*****************************************************************************
Fiiro gaar ah: String zero ka bilaabmaa xarafka 5naad waa
H xarafka 6xaadna waa R.
****************************************************
Tusaale 8:
String str = "jaamacada";
String kasoreeb = str.substring(0,6); // isku day jawaabta?
Tusaalihii hore haddaad fahamtay kana shaah u cabi kartaa
public String getLoginName()
{
// 5 xarafood ugu horeeysa usernameka iyo 3 ID numberkiisa
return name.substring(0,5) + id.substring(0,3);
}
public String toLowerCase()
iyo public String toUpperCase()
kuwii hore haddii aad fahamtay kuwaan waa sahlan yihiin. Hal tusaale ugu gaabsaneynaa. i S b A r J a V a
sidaad aragtidba xarfaha waxay iskugu jiraan qaar waa weyn iyo qaar yar yar.haddii aad rabtid inaad wada sintid ayagoo ah far yar yar ama far waa weyn,waxaa isticmaali kartaa labadaan hab
toLowerCase() ama toUpperCase().
*******************************************************************
Tusaale:9 public class qoraalka {
public static void main(String[] args){
String sinaan = "i S b A r J a V a.coM";
System.out.println(sinaan.toLowerCase());
System.out.println(sinaan.toUpperCase());
}
}
**********************************************************
startsWith & endsWith
public boolean startsWith(String prefix) &
public boolean endsWith(String suffix)
methodkaan ‘startsWith’ iyo walaalkiisa ‘endsWith’
hal tusaale ugu gaabsaneeynaa
****************************************************************************************
import java.util.*;
public class Isbarasho {
public static void main(String[] args){
Scanner in= new Scanner( System.in );
String jawaabta;
System.out.println(
"Welcome shukaansi.com");
System.out.println();
System.out.println("walaal ma guurdoon baa tahay(yes/no) ");
jawaabta = in.next();
if(jawaabta.startsWith("yes"))
{
System.out.println("Maasha Allah Dumar xuurul ceyn ah kugu saacideyna ");
} else {
System.out.println("Macsalaamo walaal");
}
}
}
public class Endswith {

String macsalaamo = "waa baxay macsalaamah";
if(macsalaamo.endsWith("macsalaamah"))
{
System.out.println("Maca Salaamah Fii Amaani Laah");
}
else
{
System.out.println("walaal maa iska joogtid?");
}
}
}****************************************************************************************
public String concat(String str)
***********************************
public static void main(String[] args){
String str1 = new String("cilmiga ");
String str2 = new String("habeen laguma barto.");
// isku daba xir labadaan qoraal.
String str3 = str1.concat(str2);
// itusi qoraalka cusub.
System.out.println(str3);
}
}
Intaasna waxaa inoogu dhamaaday String iyo methodyadiisa
Waxaan soo khaadanay class String
String()
String(String str )
length()
equals()
equalsIgnoreCase()
compareTo()
substring()
toLowerCase()
toUpperCase()
startWith()
endsWith()
concat()
trim()
StringBuffer Class: Methods
Qubarada java aliftay waxay ogaatay (inefficiency) dhibootooyinka uu leeyahay Sting wax lagu keeydiyey in lagu sameeyo (editing), extracting ama la isku xiriiriyo (concatenating) iwm.
String magaalo = "diiniyee";
magaalo = magaalo.substring(0,4) +"soor";
System.out.println(magaalo); // maxsuulka Diinsoor
ka hortag dhibaatiyoonkaas farabadan awgeed java waxay sameeysay class la yiraahdo StringBuffer oo haddii aad u baahatid macluumaad aad hore u sameeysay inaad mar labaad bad badashid(editable)
waxaa isticmaali kartaa ‘StringBuffer.
Sidii String class oo kale StringBuffer class wuxuu leeyahay dhoowr constructors iyo methods farabadan. Kuwa ugu muhiimsan fiirin doonaa
StringBuffer()
Constructor-aan qaadanin object as argument
************************************************************************
public class Constructor0 {
public static void main(String[] arg) {
StringBuffer object1= new StringBuffer();
System.out.println(object1.length());
System.out.println(object1.capacity());

Tusaale kale constructor qaadanaayo hal walax(object)oo string ah.
. StringBuffer(String str)

public class ConstrocturWata1object {
public static void main(String[] args){
StringBuffer object2 = new StringBuffer("burhan");
System.out.println(object2.length());
System.out.println(object2.capacity());
}
}
***************************************************************************************
si aad u fahamtid labadaan barnaamij sida ay u shaqeeyaan waxa muhiim ah inaad marka hore fahamtid, waxa ay kala yihiin length iyo capacity()
Length() shaqadiisu waa inuu soo gudbiyaa waxa ku jira walaxda (object2) iyo inta tiro ee ay ka kooban tahay.
Tusaale: StringBuffer object2 = new StringBuffer("burhan");
Object2 wuxuu ka kooban yahay 6 xarfood,si aan u ogaanana waxaan isticmaalaynaa object2.Length().
Capacity() shaqadiisu waa inta walaxda (object2) ku jirta iyo 16 xaraf (characters) oo mar walba dheeraad ah(reserve).
Tusaale: si aan u ogaanana waxaan isticmaalaynaa object2.capacity().
6da xaraf ku jirtay object2 iyo 16(characters) uu keyd ahaan u haayo
Maxsuulka sidaas uu ku noqday 6 +16
Reverse() shaqadiisa waa inuu walaxda(objects) xarfaha ku keysan
Gadaal gadaal u akhriyo
Tusaale: String object2 = new String("burhan");
StringBuffer tijaabo = new StringBuffer(object2);
tijaabo.reverse();
object String class ayaan sameeynay walaxdii(object) macal wixii ku jiray waxaan ku keydinay tijaabo oo ah nooca (StringBuffer Class)
tijaabo.reverse() maxsuulka burhan uu ahaay wuxuu hadda noqday nahrub
append(boolean b)
append(char c)
append(Object obj)
append(String str)
append() waxaa loo isticmalaa qoraal aad hore u qortay haddii aad rabtid inaad dhamaadkiisa wax cusub ku dartid isticmaal Append(),sidoo kale append() wuxuu caloosha(argument) ku qataa hal xaraf(char) ,xuroof(String) ama boolean iwm.
tusaale:
public class Kudar {

String qoraal1 = new String("Safarkii dheeraa ee loo socday 1000 Mile ");
String qoraal2 = new String("Safarkii dheeraa ee loo socday 1000 Mile ");
boolean iskufiiri = qoraal1.equals(qoraal2);
StringBuffer qoraalCusub = new StringBuffer("wuxuu ka bilaabmay hal talaabo ");;
System.out.println(qoraal1+"\n" +qoraalCusub.append(iskufiiri));
}
}
Sharax kooban: labo walaxood(objects) oo String Class ah ayaan sameynay waxaana ku keydinay mid “Safarkii dheeraa ee loo socday “1000 miles” midka labaadna “Wuxuu ka bilaabmay hal talaabo”
Walaxda(object) sadexaad iskufiiri ayaan isna qeexnay oo shaqadiisu tahay soo celi run(true) haddii qoraal1 iyo qoraal2 isku mid yihiin ama khalad (false)
Walaxda afaraad ee ugu danbaysa waxaan ubixinay qoraalCusub, waxaana ku keydinay qoraalkii aan rabnay inaan gadaal uga darno,si arintaas noogu suurto gasho waxaan isticmaalnay Buffer Class,
append(iskufiiri) oo micnaheeda yahay iskudar qoraalkan cusub iyo qoraalka ku jiro qoraal1 iyo qoraal2 jawaabta isii run iyo khalad waxay ahaataba.
insert(int position, char c)
insert(int position, char[] str)
insert(int position, Object obj)
insert(int position, String str )
public class KudhexRid {

StringBuffer tacliin = new StringBuffer("barjava.com");
String kudhex_rid = new String("is");
// insert(int position, String str )
System.out.println("qoraalka cusub waa "+ tacliin.insert(0,kudhex_rid));

- afisoone
- SomaliNet Super
- Posts: 5509
- Joined: Wed Jul 22, 2009 9:46 pm
- Location: We all want to become president even though Amisom controls Mogadishu
Re: Afisoone java library

Sxb. Casharadeeyda lasoco inshallah walaale.... Dhib maleh waxa waa la bartaa???///
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 61 Replies
- 5958 Views
-
Last post by ModerateMuslim
-
- 0 Replies
- 973 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 0 Replies
- 898 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 4 Replies
- 958 Views
-
Last post by anzeloti
-
- 0 Replies
- 545 Views
-
Last post by afisoone
-
- 4 Replies
- 2678 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 0 Replies
- 584 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 6 Replies
- 2306 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 0 Replies
- 1900 Views
-
Last post by afisoone
-
- 0 Replies
- 2553 Views
-
Last post by afisoone