Qaban Qaabada iyo Diyaar garoowga hogaanka dhaqanka Beesha Xasan Gaashireedle oo ka mid ah Beelaha SADE ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay si habsami leh uga socotaa degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana maalmahii ugu dambeeyeyna degmadaasi gaarey Ergooyin aad u tiro badan oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibadiisa.
Maxamed Xuseen Cismaan (Ganey)oo ka mid ah Gudiga Qaban qaabada Caleemo saarka Hogaanka dhaqanka Beesha Xasan Gaashireedle oo la hadlayey Warbaahinta isagoo ku sugan degmada Luuq ayaa sheegay in meel wanaagsan ay mareyso howsha qaban qaabada Caleemo saarka Ugaaska Beeshaasi ee Gobolka Gedo, isagoo sheegayna odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Beesha in ay soo afmeereen maalmahii ugu dambeeyey kulamo wada tashi ah oo looga arinsanayey Qaabka loo caleemo saari doono Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo noqon doono ninka ugu sareeya Hogaanka dhaqanka Beesha, isagoona xusey in horeyba uu u hayey xilkaasi.
Ganey ayaa waxa
a uu intaasi ku darey Caleemo saarka oo maalmaha soo socda ka dhici doona degmada Luuq, islamar ahaantaasina si buuxda leysagu raacey in lagu casuumi doono Odoyaasha dhaqanka Gobolka Gedo, Ergooyin kale oo ka kala socda Beelaha Deriska iyo weliba waxgarad kale gedisan oo ka soo jeeda Beesha SADE oo ka kala imaan doona dalka gudahiisa iyo dibadiisa.
Ilaa iyo hadda Odoyaasha dhaqanka ee soo gaarey degmada Luuq ee ka kala yimid Degmooyinka Gobolka ayuu tilmaamay in ay ka mid yihiin: Nabadoon Macalin Aden Cabdi Geesey, Nabadoon Maxamuud Tawane, Nabadoono iyo Culimo ay ka mid yihiin Shariif Cabdulaahi Cismaan iyo Xaaji Aden Nuur iyo weliba Ergooyin kale oo uu hogaaminayo Ugaas Maxamed Xasan Yarow oo dhowaan soo gaarey degmada Luuq, isagoo tibaaxayna xilliga Caleemo saarka in uu ku beegan yahay 15 ka Bishan.
Si kastaba ha ahaatee, xiriiro kale gedisan oo aan la sameynay degmada Luuq ayaa Odoyaal iyo waxgarad ku sugan degmadaasi waxay noo xaqiiyeen in ay ka dhursugayaan Howsha Caleemo saarka ah ee loo sameynayo Ugaaska Beesha Xasan Gaashireedle oo la filayo in ay ka dhacdo degmada Luuq bartamaha Bisha aan ku jirno.
Beesha Xassan Gashirdle crowning their Ugaas in Luuq Ganaane
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12577
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Beesha Xassan Gashirdle crowning their Ugaas in Luuq Ganaane
Looks like Luuq Ganaane is gonna be busy this month. viva Beesha Sade
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 727 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 452 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 22 Replies
- 6029 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 5 Replies
- 834 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 6 Replies
- 1624 Views
-
Last post by Voltage
-
- 2 Replies
- 748 Views
-
Last post by MarsinQorahay
-
- 0 Replies
- 823 Views
-
Last post by Sadaam_Mariixmaan
-
- 7 Replies
- 1177 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 0 Replies
- 640 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 1 Replies
- 679 Views
-
Last post by new-york23