
Maamulka Gobolka Sanaag Oo Booqasho Ku Soo Maray Deegaamada Ku Teedsan Xeebaha Gobolkaas.
Maydh (Ramaas) Feb. 3, 2012- Masuuliyiinta gobolka Sanaag, ayaa booqashadii ugu horeysay ku soo maray deegaamada ku dhereran xeebaha gobolkaas, iyaga oo doonaya in ay wax ka ogaadeen xaalada nololeed ee jidahaas.
Badhasaabka gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal oo hogaaminaya weftiga maamulka, ayaa booqasho ku soo maray deegaamo xeebeedka Laas Surad iyo Maydh oo ku yaal xeebta Waqooyi ee gobolka Sanaag, waxaana uu kulamo uu la yeeshay madaxda degmooyinkaas iyo odayaasha dhaqanka ay kaga wadahadleen xidhiidhka nidaamka dawliga ee ka dhexeeya labada dhinac, maadaama oo uu yahay masuul ku cusub xilka badhasaabnimada gobolkaas.
Badhasaabku mar uu la hadlayaya dadweynaha deegaanka Laas Surad ee qiyaastii degmada Maydh ilaa 75 KM Bari kaga beegan Magaalada Maydh, waxa uu sheegay in uu u kuurgalaya xaalada nololeed ee dadweynaha deegaamadaas, isla markaasna la doonayo in uu maamulka gobolku si wanaagsan uga hirgelo dhulkaas, laakiin kama hadal mushkiladaha kooxa kalluumaysatada reer Yemen ku hayaan xeebaha gobolka Sanaag.
Waxa kale oo uu Aadan Cigaal soo maray xarunta ciidamada ilaalada xeebuhu ku leeyihiin degmada Maydh oo lagala socdo hawlgalada budhcad-baddeeda Soomaaliya ka wado biyaha Somaliland, isaga oo ku gubaabiyay ciidamada in ay diyaar u ahaadaan difaaca xuduudad baddooda oo ay dhibaato ku hayaan budhcad fadhigeedu yahay Puntland .
http://www.ramaasnews.com/index.php/New ... oo-do.html
.