Page 1 of 1

Keynaan : Heesteeyda Obama oo kaliya ayaa isticmaali kara

Posted: Sat Feb 04, 2012 8:24 pm
by IRONm@N
Heesaaga caanka ah ee Soomaaliyeed Keynaan ayaa diidey in heestiisa magaceedu yahay “Waving Flag” ama “Calan lulka” uu isticmaalo Mitt Romney oo u taagan musharaxa madaxweynenimada xisbiga Republican-ka.

Heestani ayuu xisbiga isticmaaley maalintintii talaadadii guushii Mitt Romney ee gobolka Florida kadib.

Laakiin war uu soo saaray Keynaan ayuu ku sheegey in aanan la weeydiisanin isticmaalka heestiisa, haddii la weeydiina lahaana uu diidi lahaa, kaliyana uu u ogolyahay Obama.

Afayeenad u hadashay xisbiga Republican-ka Rick Gorka ayaa sheegtey in ay joojin doonaan isticmaalka heestaasi, iyagoo tixgalinaya codsiga Keynaan.

Heeska “Calan Lula” ayaa aduunka oo dhan ka baaxday kadib markii lagu furey ciyaarihii aduunka kubbad cagta ee Koonfur Afrika ka dhacay.
Kismaayood.com

:clap: :clap:
Keynan hates conservatives.

Re: Keynaan : Heesteeyda Obama oo kaliya ayaa isticmaali kar

Posted: Sat Feb 04, 2012 8:49 pm
by Thuganomics
What's the difference