Faysal: Haddaan reer Somaliland nahay majirto meel aan xidhi

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

The_Patriot
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20702
Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am

Faysal: Haddaan reer Somaliland nahay majirto meel aan xidhi

Post by The_Patriot »

Faysal: Haddaan reer Somaliland nahay majirto meel aan xidhiidh la leenahay & wax aan ka warqabno
Hargeysa, 01-Feb-2012 - Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somaliland ayan haatan meelna ku xidhneyn, islamarkaana ayan waxba kala socon xaaladda siyaasaddeed ee isbadalka badan ee maanta.

"Inagu mushkiladda ina haysata waxaa weeye, haddaan reer Somaliland nahay, aduunkana xidhiidh lama lihin... waxna ma akhrino, waa layiri baan ku soconaa, waa layirina wax lagu socdo maaha," ayuu yiri Faysal oo xafiiskiisa ugu waramayey warbaahinta.

Xaaladda siyaasaddeed ee gobolka Geeska Afrika oo ay saameeyeen isbadallada xowliga ku socda ee qarnigan aynu ku jirno, waxey u muuqataa in maamullada iyo siyaasiyiinta gobolka qaarkood ay la qabsan kari la'yihiin.

Somaliland ayaa deegaanno ay sheegan jirtay waxaa maalmahan ka dhismay maamul gobolleedyo cusub, kuwaasoo xidhiidh degdeg ah la sameeyey dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Faysal ayaa tilmaamay inay iska caddahay inuu jiro isbadal siyaasaddeed, isagoo intaa raaciyey in dalalki Afrikanka ahaa ee ay Somaliland xidhiidhka la laheyd ay gabi ahaanba xadhiga u jareen, islamarkaana ka goosteen wixi xidhiidh ahaa.

"Waxey hadda u muuqataa inay siyaasadda si weyn aad isugu badashay. Waxa aad ku garaneysaa waxa weeye, waxaa inoo hadli jiray scholars-ka [aqoonyahannada] dadka la yiraah ee aduunka jaamacadaha ka hadla oo ka hadli jiray qadiyadda Somaliland iyo sidaan xaq u leenahay. Wadammo Afrikan ah ayaan xidhiidh badan la laheyn. Wixi oo dhan waa la joojiyey. Mar qudha ah ayaa la inaga wada goostay. Disconnect [go'doon] yaa inagu dhacday," ayuu yiri Faysal.

Siyaasadda gobolka ee haatan oo aad uga badallan tii hore iyo wixi lagu soo dhaqmayey waayadi tagay, waxaa jira siyaasiyiin iyo maamul gobolleedyo durba si degdeg ah ula qabsaday, islamarkaana la jaanqaaday.

Faysal ayaa tibaaxay in isbadalka siyaasaddeed ee gobolka uu si dhab ah ula jaanqaaday maamulka Puntland, wuxuuna sheegay in Puntland ay maanta awood u yeelatay inay guud ahaanba gacanta ku dhigto siyaasadda Soomaaliya.

"Anigu shaqsiyan, waxaan u arkaa in maanta siyaasadda Soomaalida ay influence [saameyn] weyn ku leedahay maamul gobolleedka Garawe [Puntland] oo maanta Soomaali siyaasaddeedi gacanta ku haya. Waa maamul gobolleedkaas shalayto dhashay..." ayuu yiri Faysal.

Siyaasadda maanta ayaan u baahneyn waayo-aragnimo iyo da' midna, balse u baahan firfircoonaan, aqoon, xirfad, iyo warqab buuxa. Isbadalka siyaasaddeed ee haatan sida xowliga ah ku socda ee gobolka ayaa u muuqda mid sii socon doona mustaqbalka, kaasoo shaqshaqi doona, kalana haadin doona, guud ahaan siyaasadda gobolka.

Wabishabeele.com
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Faysal: Haddaan reer Somaliland nahay majirto meel aan x

Post by Keyse_0208 »

in somaliland we Sell Cagcheer ogaden like live stock sheep/cows to ethiopia, right now the current trading price for cagdheer is 1=$300, nacalaaa aabahaa kuyaale $ 300 dollara ayaa adigoo dhan lagu siista :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:
Last edited by Keyse_0208 on Mon Feb 06, 2012 4:59 am, edited 1 time in total.
User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Faysal: Haddaan reer Somaliland nahay majirto meel aan x

Post by HooBariiska »

some ppl somaliland baa dhinac kasta ka wa$tay
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”