Gen. Cumar Xaaji Masale iyo Masuuliyin kale oo Tacsi diraya

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Gen. Cumar Xaaji Masale iyo Masuuliyin kale oo Tacsi diraya

Post by CoolPoisons »

Gen. Cumar Xaaji Masale

2- Col. Cabdulqadir Xaaji Masale

3- Dhamaan Reer Shiikh Saciid Faarax

4- Dhamaan Reer Maxamed Garjeex

5- Dhamaan Reer Cilmi Goonjeex

6- Dhamaan Reer Cabdullahi Warsame

7- Dhamaan Reer Jaamac Gari

8- Dhamaan Reer Shiikh Abdisalaam

9- Dhamaan Reer Muxumed Shirwac good.

Waxay tacsi u dirayaan Reer Abdi Faarax (Jiijiile), waxayna uga tacsiyaynayaan geeridii ku timid Allaha u naxariistee Aabahood, Adeerkood, Awoowgood iyo Abkowgood, Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile) oo 1-dii Feb 2012, ku geeriyooday Magaalada Leicester ee wadanka Ingiriiska. Waxay ilaahay uga baryayaan in marxuumka Ilaahay janadii Fardowso ka waraabiyo, qaraabadii iyo eheladii uu ka tagayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Taariikh nololeedkii Allah u naxariistee Marxuum Ashkir Abdi Faarax (Jiijiile)

Allaha u naxariistee Gaashanle Sare, Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile) waxuu 1-dii Feb 2012 ku geeriyooday magaalada Leicester ee wadanka Ingiriiska. Waxuu dhashay 1919. Waxuu ka tirsanaa Ciidamada Ilaalalada 1936 ilaa 1967. Waxuu sanadkii 1967 ku biiray ciidamada Asluubta Soomaaliyeed oo uu xil uga hayay Gobalka Galgaduud ilaa iyo sanadkii 1991.

Mudaddii uu xilka hayay Allaha unaxariistee Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile), waxuu ka mid ahaa dadkii sida howl-karnimada ah ugu soo shaqeeyay wadanka; qaybna ka qaatay gobanimada iyo xoriyadda wadanka.

Marxuum Ashkir Cabdi Faarax (Jiijiile), waxuu ifka uga tagay dad isagu jira ilmahii uu dhalay iyo ilmo ay sii dhaleen.

Illaahay janadii fardowso haka waraabiyo ayaan leenahay,Eheladii iyo qaraabadii iyo weliba soomaalidii uu ka baxayna samir iyo iimaan allaha ka siiyo..

Aammiinn—aammiinn—aammiinnnn,,

By-Durraan shirwac
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”