












Parliament constructing well


President Farole Arrives In Garowe The Capital of Puntland And Gives Press Conference
M/wayne Faroole oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay shirar uu kaga soo qaybgalay Jabuuti iyo Imaaratka Carabta
Tue, 07 Feb 2012 07:16:44 -0500 am -05:00 -18000
Garowe.Feb 7 -Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib socdaal uu tobaadkii ugu dambeeyay ugu maqnaa dalalka Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti.
Madaxwaynaha ayaa waxaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe kuxigeenka madaxwaynaha Gen.Cabdi Samad Cali Shire,wasiiro,xildhibaano iyo dadwayne tiro badan.
Madaxwaynaha ayaa waxaa loo galbiyay aqalka madaxtooyada ee Garoowe waxaana halkaasi uu warbixin kaga dhagaystay madaxwayne kuxigeenka Gen.Cabdi Samad Cali Shire oo sheegay dalka inuu ka jiro nabadgalayo marka laga reebo colaadda ka taagan gobolka Cayn ee u dhaxeysa dad deegaanka iyo maamulka Somaliland.
Safarka Imaaraatka Carabta.
Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle oo intaasi kadib isaguna la hadlay saxaafadda ayaa waxaa uu sheegay dalka Imaaraatka Carabta inuu kula soo kulmay madaxda dalkaasi uuna kala hadlay arimaha burcadbadeeda maadama sida uu sheegay dowladda Imaartaaka Carabta ay ka taageertay dhaqaalaha ku baxay tababarka ciidamada badda Puntland,inay dhanka waxbarshadada ka taageerto Puntland iyo inay gacan ka gaysato sidii ay dowladda Puntland uga faa'iidaysan lahayd khayraadkeeda.
Safarka Jabuuti.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa waxaa uu sheegay dalka Jabuuti inuu uga soo qaybgalay shirkii ay kooxda xiriirka Caalamiga ee ICG ku yeesheen Jabuuti 5 iyo 6dii bishaan.
Waxaa uu sheegay shirkaasi in lagu casuumay maamulka Puntland islamarkaanaana lagu ayiday qodobadii kasoo baxay shirkii Garoowe,dhaqan galinta Road Mapka,marxaladda gala guurka,shirka London ee arimaha Soomaaliya,waxaana madaxwaynaha uu intaasi raaciyay caalamka inuu xiligaan uu u soo jeedo arimaha Soomaaliya.
Madaxwaynaha ayaa dhanka kale sheegay dalka Jabuuti inuu kusoo xiray shir looga hadlayay dadka tahriibaya oo ay soo qabanqaabisay hay'adda IOM ayna ka qaybgaleen wasiiro katirsan dowladda faderaalka iyo maamulka Puntland.
Waxaa uu sheegay shirkaasi in looga hadlay dadka sharci darada usocdaalaya iyo kuwa isaga kala gudba dalalka la isaga kaashan lahaa,shirkaasi ayaana waxa uu sheegay in la isku raacay in la joogteeyo.
Shirka London.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxaa uu soo hadal qaaday shirka arimaha Soomaaliya ee la filayo in 23ka bishaan lagu qabto magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.
Waxaa uu sheegay dhamaan ka qaybgalayaasha shirka London inay ku mashquulsanyihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen waxaa ay la tagayayaan shirka London,waxaana uu sheegay shirkan inuu yahay muhiim ah ayna ka qabyagalayaan dad Soomaaliyeed oo aan waligood shirarka Soomaalida looqabanayo aan ka qaybgalin oo ay ka mid tahay maamulka Somaliland sida uu sheegay madaxwayne Faroole.
Waxaa uu sheegay xukuumadiisa inay la tashi dheer ka yeelan doonaan waxyaabaha ay la wadaagayso qaybaha Soomaalida ee ka qaybgalaya shirka London.
Colaadda Sool iyo Cayn.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dhanka kale sheegay inay la socdaan colaadddaha soo laablaabtay ee ka taagan deegaanada Buuhoodle,waxaa uu sheegay dowladiisa inay marar badan muujisay mowqifkeeda ku wajahan dagaalada gobolka Cayn.
"hadii degdegsiinyo lacag dhalaan kaadsiimo dahab bay dhalaan"ayuu yiri madaxwaynaha Puntland oo ka hadlayay colaaddaha gobolka Cayn.
Madaxwaynaha ayaa isagoo hadlakiisa sii wata waxaa uu sheegay diblumaasiyiin katirsan beesha caalamka iyo madaxwaynaha dowladda Jabuuti oo arimaha Soomaaliya waxbadan kala socda uu kala soo hadlay colaadaha gobolka Cay.
Waxaa uu sidoo kale sheegay waxyaabihii ay isku afgarteen inuu so hoose uga warbixin doono dowladda balse aanu saxaafadda ka sheegi doonin.
Shidaalka Puntland.
Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay shidaalka laga soo saarayo deegaanada Puntland oo xiligan riigii ugu horeeyay lagu dhuftay dooxada Dharoor.
Waxaa uu sheegay madaxwayne Faroole inay sare u qaaday sunacadda Puntland shidaalka iyo maalgashiga caalamka uu ka sameeyey ceelkii ugu horeeyay ee laga soo saarayo shidaalka Puntland.
Madaxwaynaha ayaa xusay xiligaan inaysan Puntland cidna kala cararaynin khayrdaaka ay soo saarayso loona baahanyahay dastuur rasmi ah oo lagu qeexa shidaalka Puntland laga soo saarayo iyo qaybaha ay dhamaan umadda Soomaaliyeed ku yeelan karaan.
Al-Shabaab.
Madaxwaynaha dowladda Puntland ayaa shirkii jaraa'id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxaa uu sidoo kale sheegay dagaalada xiligaan gobolada dalka Soomaaliya qaarkood laguka jiro ururka Al-Shabaab inay wax badan ka tartay amaanka dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale xusay shirarkii uu kasoo qaybgalay in cafis loogu fidiyay cid kasta oo Al-Shabaab katirsan islamar ahaantaana kasoo baxdo xiligaan,isagoo arintaasi ka hadlayay ayaa ugu baaqay dhalinyarada xiligaan ka mid ah Al-Shabaab inay kasoo baxaan.
Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa bartamihii bishii June ee lasoo dhaafay kadhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhroor,halkaasi oo uu ku daahfuray ceelii ugu horeeyay ee shidaal laga soo saaro dalka Soomaliya ee Shabeel-1.
Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.