Somalia's Telecommunication minister hands out 1000 radios, so that civilians can get easy acces to goverment information
Wasaaradda Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa maanta Raadiyayaal u qeeybisay barakacayaasha ku jira xerada Badbaado ee degmada Dharkeynleey.
Mas’uuliyiin ka socotay wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku xigeenka wasaaradda C/llaahi Bile Nuur, Agaasimaga guud ee wasaaradda C/risaaq Cali Yuusuf ‘Bahlaawi’, Agaasimaha warbaahinta Xuseen ‘Qoryooleey’ Agaasimaha TV-ga C/raxmaan Xasan Jimcaale iyo Agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho C/raxiim Ciise Caddoow ayaa maanta Kun Raadiye u qeeybiyay barakacayaasha ku jira xerada badbaado si ay ula socdaal akhbaaraadka caalamka.
C/raxiim Ciise Caddoow agaasimaha Idaacadda Radio Muqdisho ayaa barakacayaasha u sharaxay isticmaalka Raadiyayaashaasi oo uu sheegay in uu ku shaqeeynayo solarka iyo qaabka kale oo gacanta lagu wareejinayo, isagoo tilmaamay in ujeedada loo siiyay Raadiyayaasha aysan aheyn in ay ka dhageeystaan Radio Muqdisho oo kaliya balse ay xor u yihiin in ay ka dhageeystaan meeshii ay doonaan.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda C/llaahi Bile Nuur oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ay wasaaraddu u qeybisay Radiyayashan ay tahay in barakacayaashu ay la socdaan waxa ka dhacaya dalka iyo dibadda si ay u fahmaan isbedellada ka dhacaya dalka isagoo intaa ku daray in ay sii wadi doonaan bixinta Raadiyayaashan.
Qaar ka mid ah barakacayaasha oo munaasabaddaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin raadiyayaasha maanta la guddoonsiiyay iyagoo wasaaradda uga mahadceliyay deeqdan ay maanta u keentay.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka aan kala go’a laheyn ee wasaaraddu ugu jirto wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed.