




Dagaalkii Duleedka Buuhoodle oo Qadar ka Dib u Bilawday Iyo Gaadiid laga Qabsaday Somaliland oo la Geeyay Buuhoodle (Faahfaahin)
Buuhoodle (RBC) Dagaalkii saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Sooljoogto ee duleedka magaalada Buuhoodle ayaa dib u bilawday ka dib markii uu qadar hakaday, sida wararka ugu dambeeya nagu soo gaarayaan.
Dagaalka ayaa saaka qarxay wax yar ka dib xilligii Salaada Subax, wuxunaa dagaalku ku bilawday madaafiic ay isweydaarsadeen labada dhinac waaberigii ka dibna waxaa bilawday dagaal toos ah.
Sooljoogto waxay dhanka Galbeed ka xigtaa Buuhoodle illaa 30- KM, waana meeshii uu dhowaan ka dhacay dagaalkii dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Buuhoodle.
Sida uu sheegay wariye madax bannaan oo degmada Buuhoodle jooga dagaalka ayaa qadar qaboobay hase yeeshee wuxuu markale dib u bilawday ka dib markii ciidamada maamulka Somaliland ay soo rogaal celiyeen.
C/risaaq Bakeyle oo ka tirsan maamulka maamulka degmada Buuhoodle oo telefoon aan kula hadalnay wuxuu sheegay in illaa saddex baabuur oo nooca dagaalka ah kuwaasoo laga soo qabsaday ciidamada Somaliland. Mid ka mid ah baabuurtaasina waxaa saaran qoriga Zuu-ga.
C/risaaq wuxuu intaa ku daray inay sidoo kale dhankooda hayaan maxaabiis ay dagaalka ku soo qabteen.
Dhanka Somaliland weli kama hadlin dagaalka iyo baabuurta la sheegayo in looga qabsaday dagaalka.
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac
Dad ku sugan magaalada Burco ayaa Raxanreeb u sheegay in isbitaalka Burco la geeyay dhaawac iyo meydad lagu sheegay illaa 12 ruux kuwaasoo ahaa ciidamada maamulka Somaliland.
Dhanka magaalada Buuhoodle waxaa la geeyay tobaneeyo dhaawac iyo saddex dhimasho oo ah ciidamadii dagaalamayey.
Dagaalka ayaa ku fiday Meygaagle iyo Qorilugud. Qorilugud waxaa horey u joogay ciidamada Somaliland.
Xaalada magaalooyinka Buuhoodle iyo Burco ayaa aad u kacsan iadoo dadku ay aad u hadalhayaan dagaalka, sida uu soo sheegayo wariyaha Raxanreeb ee Hargeysa.
Dagaalkan wuxuu yimid xilli ay dawlada Ethiopia wado wada hadal ay isugu keeneyso madaxda Somaliland iyo kuwa Khaatumo State. Waxaana hadda arimaha wada hadalkan dartiis Addis Ababa u jooga masuuliyiin ka socota labada dhinac.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho