
Listen here: http://puntlandnews24.com/madaxwayne-fa ... ddhageyso/Madaxwaynaha Puntland Cabdiramaan Maxamed Faroole ayaa markii ugu horaysay ka hadlay weerarada ay ciidamada Somaliland ku hayaan deegaano ka mid ah gobolka Cayn.
Madaxwaynaha ayaa maanta khudbad uu ka jeediyay munaasbad lagu daah furayay dastuurka Puntland ayaa waxaa uu sheegay inuu ugu baaqayo maamulka Somaliland inuu ciidankiisa ugala baxo magaalada Laasnood kahoor inta uusan furmin shirka London 23 febraayo.
Madaxwaynaha ayaa sheegay cidkasta inay xor u tahay inay aayaheeda ka tashato loona baahanyahay maamulka Somaliland inuu ciidankiisa si degdegh ah ugala baxo magaalada Laascaanood.
Madaxwaynaha oo soo hadal qaaday maamulka Khaatumo ee looga dhawaaqay degmada Taleex ayaa yiri”"Kuwa iyagu meel aan waxba ku jirin wax ka raadinaya ama hadba dhinac usoconaya oo raadinaya in hadba geedi socodka Soomaaliyeed dhiig ku raadiyaan oo maalintii Buuhoodle lasoo weerarayay ku sugnaa,dabadeedna Itoobiya u cararay waxaan u sheegaynaa sida aad wax ku raadinaysaan waxba ku heli maysaan”.
Dr Faroole ayaa sidoo kale qiray dowladda Itoobiya inay ka shaqaysay inuusan maamulkiisa weerarin magaalada Laascaanood,isagoo arintaasi ka hadlaya ayaa waxaa uu sheegay dowlada Itoobiya inay ku wargalinayaan inay runta u sheegto maamulka Somaliland.