




Wasiirudowlaha Wasaaradda Garsoorka,Cadaallada,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan yihiin dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga ayaa magaalada Ankara kulan kula qaatay Wasiirka Cadaallada dalkaasi Mr. Sadullah Ergin.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaallada dalka Turkiga oo ku taala magaalada Ankara ayaa waxaa labada mas’uul ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen xoojinta iyo adkeynta xiriirka labada Wasaarradood, in dib u dhis lagu sameeyo xabsiga dhexe ee Soomaaliya, in sidoo kale dib u dhis lagu sameeyo islamarkaana la qalabeeyo dhismaha Wasaaradda Garsoorka Soomaaliya iyo in tababaro loo fidiyo garsooreyaasha dalkeenna.
Wasiirudowlaha Wasaarrada Garsoorka,Cadaallada,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Sheekh Axmed C/laahi Xuseen(Sheekh Fanax) ayaa ugu horeyn waxaa uu uga mahad celiyey Wasiirka Cadaallada dalkaasi sida ay dowladda iyo Shacbiga Turkiga u garab istaageen walaalahooda Soomaaliyeed intii ay dalka saameeyeen Abaarraha.
Xogahayaha Labaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulankaasi goobjoog ka ahaa ayaa kadib markii uusoo idlaaday wareysi uu siiyey Radio Muqdisho waxa uu ku sheegay in kulanka dhammaanba qodobadii looga hadlay la isku afgartay islamarkaana uu kulanku kusoo idlaaday jawi wanaagsan.



