
Kulankaani maanta Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahaanada ay ku yeesheen degmada baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa lagu cambaaraynayey dagaalkii ciidamada Maamulka Somalilnad ay kusoo qaadeen dadka deegaanka ee ka dhacay duleedka magaalada Buuhoodle ee Togdheer.
Mid ka mid ah Nabadoonada ka qeyb galay kulanka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay dadk rayid ah ku dileen dagaalkii ka dhacay Buuhoodle oo uu sheegay in iyaga ay soo qaadeen, waxaana uu ugu baaqay Somalilnad in ciidamdeeda ay kala baxdo deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray deegaanada Sool, Sanaag iyo Togdheer xiisado dagaal oo u dhaxeeya dadka shacabka ee halkaasi daga iyo sidoo kale Maamulka Somaliland