


Munaasadab lagu xusayay 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aas aasay ciidamada Badda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiinta ugu sareeysa dalka.
Munasabadda loogu dabaal degayay 50 guuradii ka soo wareegtay markii la aas asay ciidanka Badda oo maantay ka dhacday Sugunto Liido ayaa waxa ka soo qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ku xigeenka R/wasaaraha ahna wasiirka Difaaca dalka Xuseen Carab Ciise, Abaanduulaha ciidanka XDS C/kariin Yuusuf Aadan “Dhagabada”, Taliyaha ciidamada Badda, sarkiisha ciidamadda qalabka sida iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Badda oo halkaasi ku marayay socod gaado ka cayaar ah.
Ugu horreeyn waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidamada difaaca xeebaha Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar oo ka warbixiyay wax qabad ciidanka difaaca xeebaha dalka isagoo ku dheeraaday ahmiyada ay ciidamadaasi u leeyihiin dalka xiligan iyo marxaladihii kala duwnaa oo ay soo mareen.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dalka oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo u diraya ciidamada Badda Soomaaliyeed waxa uuna Madaxweynaha kula dardaarmay ciidamada in ay xeebaha ka ilaaliyaan doomaha sida sharcidarrada ah u soo galo.
Halkaan Ka Dhageyso Khudbadaha Munaasabadda
Ciidanka difaaca xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa la aas asay 10 febraayo maanta oo kale sanadkii 1962. Waxeyna ka mid yihiin ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa XDS.






