Ismail Umar Ghelle invites Awdal State of Somalia representatives to Djibouti and also a special representative to invite Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi to Djibouti.
I'm hearing from my close news sources that the Issa of Djibouti are joining Awdal State and are lobbying the Gadabursis to get representation in Awdal State. This means thay most likely the Vice President of Awdal State will be Issa. Whilst the Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid will be crowned a second time, this time in Djibouti.
Dawlada Jabuuti ayaa Muddooyinkan danbe ku hawlan Qorshe ay ku Wiiqayso Wadajirka iyo Madaxbanaanida Qaranimada Somaliland taasi oo doonaysa in ay kala qoqobto Beelaha Somaliland ku dhaqan guud ahaanba.
Madaxwaynaha Dawlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Gogol u fidiyay Beelaha Somaliland ee ku dhaqan Gobolka Awdal Guud ahaaba kuwaasi oo la doonayo in ogolaadaan Heshiis dhex mara Beelihii khilaafku ku dhex maray Caleemo saarka Ugaaska Beeshaasi Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.
Ilo Xogogaal ah oo Wargeyska Caalami ka helay Dalka jabuuti ayaa Sheegay in Heshiiskaasi ay goobjoog ka ahaan doonaan Garaadaddii soo dhisay Khaatumo State kuwaasi oo Casuumad Rasmi ah ka helay Madaxwaynaha jabuuti ka dib markii ay ka soo guryo noqdeen Magaalada Dhagax-buur oo ay kaga qayb galeen Caleemo-Saarkii Ugaaska Beesha Absame ee Dalka itoobiya.
Wararku waxay intaasi ku Darayaa in Dawlada jabuuti Dhiiri galinayso sidii loo Midayn lahaa Maamul Goboleedyo Somaliland Dhexdeeda ka dhisan oo ay ku jiraan Maamulkii dhawaan lagaga Dhawaaqay Degmada Taleex ee Khaatumo Seeg iyo Maamulka Dibada Wareega ah ee Awdal State oo la doonayo in la balaadhiyo isla markaana laga Maal galiyo Gudaha Dalka jabuuti iyada la samaynayo iskaashi balaadhan oo ay ku midoobaan Beelaha Gobolladda Awdal iyo Salal, isla markaana dib u habayn loogu sameeyo Maamulka Awdal state oo Ay Awood qaybsi midaysan yeeshaan Beelahaasi.
Xukuumada Jabuuti ayaa Qorshaysay in Dhawaan dib loogu Caleemo saaro Magaalada Jabuuti Ugaas Cabdirashid Ugaas Rooble Ugaas Doodi iyada oo ay u dhanyihiin Dhamaan Beelaha Samaroon, Warku waxa uu intaasi ku darayaa in Ugaas Doodi lagu Caleemo Saari doono mar kale Xaafada Xaaji Diide ee Karteega labaad ee Magaalada Jabuuti.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa La sheegay in Qorshani uu Muddo Badan ka soo Shaqaynayay taasi oo maanta uu doonayo inuu kaga Faa,iidaysto Shaqaaqiynka ka jira Gudaha Somaliland iyo Maamulada Somaliland diidka ah ee garabka Raadinaya, Madaxwayne Geelle ayaa la sheegay in Caleemo saarka Ugaaska ku Casuumi doono Maamulka Awdal state oo uu Doonayo in Beeshiisu Awood qaybsi la yeelato.
Dhinaca kale Madaxwaynaha Jabuuti ayaa taariikhdu maray ahayd 06-02-2012 kulan khaas ah ku Qaabilay Ra,iisal Wasaaraha Dawlada ku meelgaadhka ah ee somaliya Cabdi Wali Maxamed Cali, kulankaasi oo uu goob joog ka haa Safiirka Jabuuti uqaabilsan Dalka Somaliya Dayib dubad Rooble.
Warar xogogaal ah Wargeyska Caalami ka helay shirkaasi ayaa Sheegay in Madawayne Geelle ku dhiiri galiyay Raysal wasaaraha somaliya inay ku fara adaygaan Midnimada Somali Wayn, Cadaadis Xooganna Saaraan Dawlada Somaliland si aanay jaanis faa’iido uleh uga helin Shirka Dhawaan lagu Qabanayo Magaalada London ee Dalka ingiriiska.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in Mr.Geelle kulan la yeeshay Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug iyo Wafti uu hogaaminayay kuwaasi oo wararku sheegayaan in ay ka wada hadleen sidii Somaliland Cadaadis xoogan loo saari lahaa marka la tago Shirka London, si,aanay Qadiyada madax banaanideeda usoo bandhigin.
Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa U Xuub siibtay sidii loo Wiiqi lahaa Qaranimada iyo jirintaanka Somaliland isla markaana Siyaasad Dadban kula dhaqmaya Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo oo inta Badan ku Andacoota inay Saaxiibtinimo dhaw leeyihiin balse ay taasi dhawaan soo afjarmi doonto marka ay si cad u soo shaacbaxdo Cadaawada Dawalda jabuuti kula dhaqmayso Somaliland.
Maaha markii ugu horaysay ee Xukuumada Jabuuti Heshiis kaga Baxdo Somaliland balse waxaa iyana Dhawaan la diiday in Dalka jabuuti lagu Galo Baasaaboorka Somaliland isla markaana lagu dhufto Shaabada Galitaanka Dalkaasi iyadda oo Dadka ku taga Baasaaboorka Somaliland dalka jabuuti lagaga Reebo Madaarka illaa iyo inta uu ka soo laabanayo.
Heshiiskaasi ay hore iskula meel dhigeen Xukuumadii daahir rayaale iyo Xukuumada Geelle, Waxaa kale oo iyana jiray Safiir ay sheegeen inay usoo magacaabi doonaan Dalka Somaliland oo iyana beenawday isla markiibana Dawlada Taagta Daran ay umagacaabeen Dawlada Taagta daran ee Sh.Shariif Danjire u gaar ah.
Source: Wargeyska Caalami
Djibouti recognizes Awdal State and invites Ugas Abdirashid
Moderator: Moderators
- AwdalPrince
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1269
- Joined: Fri Feb 19, 2010 7:37 am
- Location: North Carolina
- Mondey
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4427
- Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
- Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.
Re: Djibouti recognizes Awdal State and invites Ugas Abdiras
i also heard about the invitation.. a crowning in Djibouti and an alliance between Gadabursi and Cisse are the last two things that would cross my mind..
if this was true then it is really a big news, Ismaciil Geeleh is a wise man he knows on whose side he should be
.. no wise man will side with someone that puts the cart before the horse
lets wait and see.
if this was true then it is really a big news, Ismaciil Geeleh is a wise man he knows on whose side he should be


lets wait and see.
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Re: Djibouti recognizes Awdal State and invites Ugas Abdiras
is it true that a new state have been declared in awdal other than awdal state??
- abdikarim86
- SomaliNet Super
- Posts: 12077
- Joined: Sun Sep 14, 2008 7:21 am
- Location: Bristol
Re: Djibouti recognizes Awdal State and invites Ugas Abdiras
^ Saylac State .....declared in Amsterdam 

- Mondey
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 4427
- Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
- Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.
Re: Djibouti recognizes Awdal State and invites Ugas Abdiras
non of that is true.damu wrote:is it true that a new state have been declared in awdal other than awdal state??
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 316 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 28 Replies
- 3966 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 4 Replies
- 847 Views
-
Last post by ReturnOfMariixmaan
-
- 14 Replies
- 1218 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 2 Replies
- 1963 Views
-
Last post by Blue_609
-
- 5 Replies
- 2263 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 20 Replies
- 3025 Views
-
Last post by Murax
-
- 7 Replies
- 743 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 3 Replies
- 453 Views
-
Last post by The_Patriot