Garowe, February, 12 - Dawladda Puntland ayaa 15-ka bishaan February u cillaamisay in Garowe lagu qabanayo shirwaynaha heerka qaran ee Dastuurka, kaasi oo loogu magac-daray Garowe 2.
Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka Puntland Dr C/xassan Jimcaale oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa si qeexan arrintaasi uga waramay, waxaana uu sheegay in shirkaan lagu qabanayo Garowe uu dabo-socdo shirkii hore ee ku saabsanaa Dastuurka kaasi oo Garowe lagu qabtay 21-kii illaa 24kii bishii December dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2011.
Wasiirk ayaa ku tilmaamay ajandayaasha looga hadli-doono shirka Garowe inay ka mid-yihiin nooca nidaamka federaaliisimka ee la qaadanayo, sidii xukunka dawladda federaalka loo baahin-lahaa, sidii loo dhisi-lahaa hay’adaha dawladda federaalka ee Soomaaliya, iyo tirada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiiru-dawlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka dawladda Puntland Dr C/xassan Jimcaale ayaa sheegay in shirkaan loogu magac-daray Garowe 2 ay kasoo qayb-qaadan doonaan madaxda dawladda dhexe, baarlamaanka dawladda dhexe, Ahlusuna, iyo Gal-mudug, waxaana imaan-doona beesha caalamka oo ay ka socdaan UNPOS, UNKA, iyo madaxda dawlado danneeya arrimaha Soomaaliya.
Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe.
Shirwaynaha 2-aad ee Dastuurka PL 15-ka February lagu qabayo
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 996 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 0 Replies
- 422 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 485 Views
-
Last post by Meseret
-
- 12 Replies
- 1410 Views
-
Last post by X.Playa
-
- 3 Replies
- 580 Views
-
Last post by Boodh iyo Torre
-
- 14 Replies
- 938 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 4 Replies
- 729 Views
-
Last post by Cinque Mtume
-
- 4 Replies
- 762 Views
-
Last post by damu
-
- 9 Replies
- 1636 Views
-
Last post by Xhudsoon
-
- 6 Replies
- 451 Views
-
Last post by Shaarib24