Puntlandi oo waxka waydiiyey shirka arbacada ee Garowe 2 wasiirka Dastuurka Mudane Jimcaale
Garowe(Pi) Maalinta arbacada waxaa Garowe isugu imaanaya ergooyin ka socda maamuladii ka qayb galay shirkii Garowe lagu qabtay dabayaaqadii sanadkii hore kasoo loogu yeeray Garowe 1, shirka Arbacada oo daba socda Garowe 1 ayaa isna lagu magacaabaa Garowe 2.
Puntlandi.com ayaa waxaa warbixin kooban ka siiyey Shirka Garowe 2 Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Fedaraalka Puntland Mudane Cabdi Xasan Jimcaale isagoo jooga Garowe.
Shirka Garowe 2 oo soconaya 15 bishaan ilaa 17 bishaan(Febaraayo), Waxa akasoo qayb galaya ergooyin ay kamid yihiin Dowlada kumeelgaarka ah, Galmudug, Suna waljameeca iyo Puntland oo marti loo yahay, waxaa shirka diirada lagu saarayaa habka Feedaraalisamka iyo Maamul goboleedyada.
Waxaa si wayn loo gorfaynayaa la isuna fahansiinayaa qaabka uu noqonayo Fedaraalisimka, iyo qaabka Maamul Goboleedyada, waxaa kaloo shirka Garowe 2 looga hadlayaa laguna gorfeynayaa tirada Gobolada iyo waliba Dastuurka.
Mar aan wax ka waydiinay Wasiirka Cida soo dhisaysa goobaha uusan ka jirin maamul goboleedku wuxuu yiri Wasiirku “Markasta waxaa la tix galinayaa rabitaanka shacabka, waxaana howshaas u xil saaran Dowlada dhexe” ayuu wasiirku hadalkiisa kusoo gaabshay.
Mar aan wasiirka wax ka waydiinay Sida uu dhigayo dastuurka cusub maamul Goboleed waxaa noqon kara laba gobol iyo wixii ka badan, maxaa laga yeelayaa maamul goboleedyada hada jira oo aan sharuudaas buuxin?
wuxuu wasiirku ku jawaabay “Shirkaan arbacada waa laga wada hadlayaa arintaas, lakiin maamuladaas waxaa khasab ku noqonaya inay ku biiraan gobolo kale si ay u buuxshaan sharuuda ah labo gobol iyo wixii ka badan, wayna wadaan qorshahaas”
Mar aan wax ka waydiinay wasiirka Ergooyinka shirka kasoo qayb galaysa inay ku jiraan masuuliyiinta ugu saraysa Dowlada KMG ah wuxuu yiri “Waxaa laga yabaa in Madaxweyne Shariif yimaado”
Mudane Cabdi Xasan Jimcaale oo isla maanta saxaafada la hadlay wuxuu ka warbixiyay shirka Garowe 2 oo furmaya arbacada, wuxuu kaloo Wasiirku sheegey inay shirka kasoo qaybgalayaan Dowlado caalami ah iyo Hay’ado ay kamid yihiin Qaramada Midoobay.
Puntlandi.com
Garowe
NO more small xafaad called mamool in new somalia
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 385 Views
-
Last post by Coeus
-
- 82 Replies
- 4762 Views
-
Last post by abgaalKING
-
- 4 Replies
- 513 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 10 Replies
- 1707 Views
-
Last post by LooxJiid
-
- 3 Replies
- 374 Views
-
Last post by Macaaney_1991
-
- 13 Replies
- 704 Views
-
Last post by The`Republic
-
- 1 Replies
- 400 Views
-
Last post by IRONm@N
-
- 16 Replies
- 32394 Views
-
Last post by Murax
-
- 4 Replies
- 808 Views
-
Last post by paperino
-
- 6 Replies
- 1858 Views
-
Last post by DacasBiyo