PM Abdiweli in the National Post ministry discussing Relief

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

PM Abdiweli in the National Post ministry discussing Relief

Post by Coeus »

R/wasaare C/weli Oo Ka QeybGalay Kulan Looga Hadlayay Isgaarsiinta

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Kulan ballaaran oo looga hadlayay wadatashiga xeerka isgaarsiinta Qaranka oo uu ka qeybgalay R/wasaaraha xukuumadda ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta.

Kulankan oo ahaa mid diiradda lagu saarayay qaabkii looga tashan lahaa xeerka Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed oo lagu qabtay hoolka shirarka ee xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxaa ka qeybgalay R/wasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali “Gaas” Wasiirka warfaafinta, wasiirku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, wasiiru Dowlaha warfaafinta, wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo lacagta xubno ka tirsan guddiga warfaafinta Baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay shirkadaha isgaarsiinta dalka.

Shirkan ayaa waxaa mas’uuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed “jahweyn” oo ka hadlay muhiimadda kulankan isagoo tilmaamay in muddada uu socdo lagu lafagurayo Shuruucda lagu hagayo Isgaarsiinta Qaranka iyo Tiknoolojiyada.

Sidoo kale R/wasaare C/weli “Gaas” oo isagana ka qeybgalay kulanka ayaa sheegay in horumarrada uu dalka ku tilaabsaday muddadii 20 ka sano ay kow ka tahay isgaarsiinta dalka waxa uuna ku amaanay madaxda shirkadaha isgaarsiinta adeegga ay u qabteen dadweynaha Soomaaliyeed.

R/wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale ku guubaabiyay madaxda Shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya in ay iska bixiyaan Canshuurta uu ku leeyahay dalka islamrkaasna ay u fududeeyaan dadweynaha adeegga isgaarsiineyd oo ay u hayaan.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale kula dardaarmay madaxda shirkadaha isgaarsiinta in ay xalliyaan mashaakilaadka ka dhextaagan shirkadaha isgaarsiinta ee ku saleeysan dhanka iswicidda mobilada.

Kulankan ayaa loogu talagalay in uu socdo muddo 2 maalmood ah iyadoo gebogebadisa laga filayo in ay kas oo qodobbo loo dhanyahay oo lagu hagayo Isgaarsiinta horumartay ee ka jirta gudaha dalka.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”