Boosaaso: Inka badan 15-askari oo laga dilay Ciidamada Puntland
Sugure Sh. M. Network) Weerar qasaaro badan gaystay ayaa Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland waxaa ku qaaday Maleeshiyaad taabacsan Ciidamo ka amar qaata Sheekh Max’ed Saciid Atam.
Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in waaberigii hore ee saakay Ciidamo daacad u ah Wadaadka lagu magacabo Sheekh Max’ed Saciid Atam ay weerar ku qaadeen Saldhig ku yaala deegaan lagu magacaabo Sugure oo qiyaastii 40-KM dhinaca Koofureed kaga beegan Magaaladaasi.
Maleeshiyaadka dagaalka ku qaaday Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay adeegsadeen hub cul culus oo qasaaro u gaystay Ciidamada Maamulkaasi sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen dadka deegaanka ah.
17-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Puntland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarka oo ahaa mid gaadmo ah, waxaana lagu soo waramayaa in deegaanka ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Sheekh Max’ed Saciid Atam oo dagaalo kala soo horjeeda Maamulkaasi.
Dagaalka ayaa sida la sheegay waxa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ay shalay howlgallo ka sameyeen Magaaladaasi ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu la dhashay Sheekh Max’ed Saciid Atam islamarkaana ay ku tilmameen in uu qeyb ka ahaa dagaalada ka dhacay deegaanka Galgala sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay Maamulka Puntland ayaa inoo suuro galin inaan qadka Taleefonka ku haleelno, waxaana saakay wararku ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid kacsan islamarkaana ay jirto cabsi soo wajahday dadka shacabka ah ee ku nool halkaasi.
Puntland Soldiers, attacked by Galgala mujahideen = 20 dead
Moderator: Moderators
- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Puntland Soldiers, attacked by Galgala mujahideen = 20 dead
20 dead Soldiers after Galgala attack

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 14 Replies
- 1670 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 359 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 3 Replies
- 738 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 8 Replies
- 1524 Views
-
Last post by guhad122
-
- 0 Replies
- 304 Views
-
Last post by Coeus
-
- 9 Replies
- 1453 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 10 Replies
- 1487 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 19 Replies
- 1786 Views
-
Last post by Kornel