Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunta AU iyo Meles oo ku tilmaamay inuu ahaa "diktaatoor dilaa ah"
Waxaa magaalada Addis Ababa kajira olole balaadhan oo dad Itoobiyaan ah ay ku doonayaan in taaladii hogaamiyihii hore ee dalka Ethiopia Xayle selaase laga taago xarunta cusub ee Modowga Africa ee magaalada Addis Ababa laakiinse waxaa ololahaas ka horyimid Meles Zenawi oo Xayleselaase ku tilmaamay inuu ahaa diktaatoor dilaa ah.
Ololahan ayaa bilowday kadib markii ururka Midowga Africa uu isku raacay in xarunta cusub taalo looga dhiso hogaamiyihii xornimo udirirka ahaa ee dalka Ghana Nkwame Ngurumah.
Ray'isulwasaaraha dalka Ethiopia Meles Zenawi ayaa mar uu ka jawaabayay su'aal laga weydiiyay Baarlamaanka dhexdiisa ku tilmaamay Xayle selaase inuu ahaa "diktaatoor dilaa ah",wuxuuna dadka ololahan wada ku tilmaamay kuwo ixtiraamku uu ka maqan yahay.
Koox iskood isu abaabushay oo ka kooban siyaasiyiin, aqoonyahaniin, oday dhaqameedyo iyo qaar kale ayaa qoraal u qoray gudiga Midowga Africa waxayna qoraalkooda ku sheegeen sida ay uga xunyihiin in Xayle salaase la inkiro.Kooxdan ayaa gudiga Midowga Africa ka codsatay in taalada Xayle salaase laga taago xarunta Midowga Africa.
Gudoomiye kuxigeenka Ururka Midowga Africa Erastus Mwencha ayaa xaqiijiyay inuu qoraalkaas uu soo gaadhay inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.
Taalada Kwame Nkurumah ayaa hada ka taagan xarunta cusub ee Midowga Africa.Kwame Nkurumaha wuxuu kamid ahaa hogaamiyaashii xornimo udirirka ee Africa.Wuxuu kaloo ahaa maskaxdii ka dambeysay aas-aaskii Ururkii OAU ee hada u xuub siibtay AU, waana sababta loogu doortay in taaladiisa laga taago xarunta Midowga Africa.
Haseyeeshee waxay kooxdan Itoobiyaanka ahi sheegeen kuna andacoonayaan in Xayle selaase uu juhdi badan ku bixiyay aas-aaskii ururkii OAU islamarkaana uu soo gacan qabtay halgamadii xornimo udirirka ee inta badan Africa kasocday xiligaas.
Gizachew Shifrew oo horay gudoomiye ugu ahaan jiray mid kamid ah xisbiyada mucaaradka ee Ethiopia ayaa sheegay inay tahay khalad taariikhi ah in la inkiro oo la baalmaro waxqabadkii Xaylesalaase.
"Majirin cid kale oo aan Xayle salaase ahayn oo usoo dagaalamay qadiyada Africa hadana dhaqaalihii yaraa ee dalkiisa faqriga ah u huray inuu ku caawiyo walaalihiisa Africaanka ah," ayuu yidhi Gizachew mar uu la hadlayay saxaafada.
Dad ku dhow 3000 ayaa saxiixay qorshahan lagu doonayo in Xayle salaase taalo looga taago xarunta Midowga Africa.
Dhanka kale Dowlada Ethiopia ayaa lagu dhaleeceeyay sida ukaska ah ay uga aamustay ololahan lagu doonayo in Xayle salaase taalo looga dhiso xarunta Midowga Africa.
Ezana Haddis oo wax ka barata Jaamacad kutaala dalka Holland ayaa Meles Zenawi ku eedaysay inuusan doonaynin inuu arko dhinaca wanaagsan ee hogaamiyihii hore ee Ethiopia Xayle salaase.
Arinta Xayle selaase ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay Meles Zenawi lagu weydiiyay Baarlamaanka dhexdiisa wuxuuna ku jawaabay in Xayle salaase uu ahaa digtaatoor dilaa ah kuwa u ololeynayana ay yihiin kuwo ixtiraamka ka aradan.
Xayle salaase ayaa sanadkii 1974 xukunka afgambi ay kaga tuureen ciidan uu horkacayay Mengistu Xayle mariam oo markii dambe toogtay kuna xabaalay goob qarsoon.
Dhanaan.com
Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunta AU
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunt
take it to the cagdheer section 

- Coeus
- SomaliNet Super
- Posts: 11709
- Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
- Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region
Re: Taaladii Xayle Selaase oo la diiday in laga taago xarunt
Haile selassie was nothing speciell fuck him and fuck AU and their chinese built headquarters. Talk about being Indipendent Africa, when indhoyar is building the f-king headquarters.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 9 Replies
- 700 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 0 Replies
- 318 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 3 Replies
- 354 Views
-
Last post by snoop12
-
- 8 Replies
- 445 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 24 Replies
- 1831 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 5 Replies
- 1236 Views
-
Last post by FieldMarshalMenace
-
- 22 Replies
- 2954 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 15 Replies
- 1752 Views
-
Last post by Kees70
-
- 24 Replies
- 3627 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 10 Replies
- 1718 Views
-
Last post by AwRastaale