In ka badan 19 dukaan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa boob loogu geystay tuulooyinka hoos taga magaalada Rustenburg ee gobolka North West ee waddanka Koonfur Afrika.
Wararka ayaa sheegaya in boobkaasi ay geysteen shaqaale careysan oo dowladda ka codsanayay in loo kordhiyo mushaaraadka ay qaataan, kuwaasi oo dibad baxyo ka dhigay deegaanno hoos taga magaaladaasi.
Xoghayaha Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka North West Cabdiraxmaan Yaasiin ayaa sheegay in booliska Koonfur Afrika ay is-hortaageen dadkii boobka geysanayay, walow boolisku uu awoodi waayay in uu joojiyo rabshadaha ay sameynayaan dadkaasi careysan.
Mr. Cabdiraxmaan ayaa intaasi raaciyay in aysan jirin waxyeeleyn loo geystay ganacsatada dukaamadooda boobka loo geystay, wuxuuna tilmaamay in ay ka cabsi qabaan in mar kale ay boob u geystaan shaqaalaha Koonfur Afrikaanka ah ee careysan.
Booliska gobolka North West ayaa gaaray deegaannada boobka laga geystay, waxayna heeggan ugu jiraan sidii ay uga hor tagi lahaayeen rabshado iyo boob mar kale ka dhaco deegaannadaasi.
http://www.awdalnation.com/?p=12884



