Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Post by CismanMaxamud1 »

from New-Generation Technical Institute

Boosaao: 400 oo arday ayaa ka qalin jebiyey machadka New-Generation
Munaasabad balaaran oo shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiinayey arday ka qalin jebisey Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation ayaa ka dhacday dugsiga Xaaji Mire ee magaalada Boosaaso.

Xafladaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waxbarashada ee gobolka, waxgarad, waalidiin iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxaa xafladaas ka hadlay maamulaha Machadka New Generation Feysal Cabdi Cartan wuxuuna sheegay in ujeeda xafladan loo qabtay ay tahay qalin jebinta dufcadii 3-aad ee arday ah ee Machadkaas ka baxda iyo weliba sidii ardaydaas shahaadooyinkoodii loo gudoonsiin lahaa.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Machadku uu dadaal badan ku bixiyey sidii ardayda looga dhisi lahaa dhinaca garaacista Computerka maadaama ay muhiim tahay in qofka Computerka bartaa uu si fiican wax ugu qori karo, isagoo dhinaca kale xusay in machadku uu bilaabi doono dhowaan koorso dhinaca caafimaad ah.

Muuse Jibriil Maxamed oo ka socodey gudoonka waxbarashada ee gobolka bari oo isaguna munaasabadaas kasoo qayb galay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay barashada xirfaduhu dhalinyarada iyo qaybaha kale ee bulshada u leedahay.

Wuxuuna sidoo kale sheegay in gudoonka waxbarashadu ay ku faraxsan yihiin islamarkaana ay soo dhoweynayaa waxbarashada uu Machadkaasi bixiyo iyo weliba sida ay maamulkiisu ugu heelan yihiin inay soo saaraan jiil cusub oo wax bartay.

Mas’uuliyiin badan ayaa madashaas ka hadlay waxaana kamid ahaa Dr. Maxamed Siciid Kawir, Prof. Ibraahim Cali Xasan, iyo Maxamed Dhakuul Bayr oo dhamaantood ku dheeraaday qiimaha ay waxbarashadu leedahay islamarkaana ku booriyey ardayda qalin jebisey inaysan waxbarashada halkaas kaga harin.

Waa dufcadii 3-aad ee arday ah ee ka qalin jebiya Machadka barashada xirfadaha ee New-Generation, waxayna tiradoodu ahayd 400 oo arday kuwaas oo la baray qaybaha Computerka ee kala ah Software Programs iyo Hardware iyo weliba luqadda English-ka
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Post by udun »

This is a success story :som: :up: :up:

This is a remarkable achievement. Somalis should be leading the high tech industry in Africa.
Alphanumeric
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14683
Joined: Tue Jun 14, 2011 1:00 am

Re: Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Post by Alphanumeric »

^I was under the impression we already were. Or at least, doing remarkably well for a people in our situation.

400 students in one class? Must be a massive school.
User avatar
tightrope
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6581
Joined: Thu Jul 15, 2010 1:46 pm
Location: U MAD SOUTHIE?

Re: Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Post by tightrope »

:clap:
Image ImageImage
User avatar
maryandagan
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 268
Joined: Wed Mar 09, 2011 3:44 am

Re: Bosaso: 400 IT Students Graduate......

Post by maryandagan »

mashallah :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”