The Foreign Minister has to go
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
The Foreign Minister has to go
Wasiirka Khaarajiga Oo Qiray In Dhaqaale La’aan Al-abaabada Loogu Laabay Xafiisyo Siyaasadeed Oo Somaliland Dibada Ku Lahayd, Sababeyayna Dib U Dhaca Xafiiskii K. Suudaan
Hargeysa (Ramaas) Feb 18,2012 – Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa qiray inay jiraan xafiisyo siyaasadeed oo Somaliland ku lahayd dalka dibadiisu inay xidhmeen.
Wasiirku sidoo kale waxa uu ka hadlay sababta ilaa hadda xukuumadda Somaliland ay xafiis siyaasdeed oo ay hore u balan-qaaday uga furan wayday dalka cusub ee Koonfurta Suudaan, waxaanu sheegay in siyaasada wadankaasi iyo xidhiidhka Somaliland ka dhexeeya awgeed dib loogu dhigay, isaga oo ku dooday inuu in lacag $ 60,000 doolar ahayd oo agaasimihii iscasilay ku eedeeyay inuu lunsaday badh ka mid ah hayo, isla-markaana badhkii kale loo isticmaalay hawlo qaranka dan u ah.
Wasiirka oo jimcihii soo saaray War-saxaafadeed aan warbaahinta la wada siin, balse lagu koobay hay’adaha warnbaahineed ee xukuumadda isla-markaana uu isku difaacay ayaa u dhignaa sidan “Ka dib markii aannu wada aragnay, kana baarandegnay arrimhii uu ka hadlay Agaasimhii Guud ee hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mr. Maxamuud Raage Ibraahim, waxaannu jecalahay inaannu jawaabo faahfaahsan ka bixinno arrimihii uu ka hadalay.
Inkastoo xafiiska Hantidhawrku wado baadhis maamul oo aannu sugayno natiijada ka soo baxda, waxannu caddaynayana inaannu jirin haba yaradee musuqmasuqa uu ka hadalay agaasimuhu. Nidaamka xisaabaadka ee Wasaaradda Arrimaha Dibeddu wuxuu waafaqsan yahay sharciga maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland. Kharash aan waafaqsanayn shuruucda iyo nidaamka hab-xisaabeedka ma gudbo. Kharashka Wasaaradda waxa iiga masuul ah Agaasimaha Guud, isagaana saxeexa, waxayna u gudbaan marka hore Xisaabiyaha Guud ee Dawladda kadibna baanka.
Kharashyada uu saxeexay Agaasimihii Guud oo ku baxay sifo sharci ah in inuu yidhaa waa “musuq” waa khalad. Halkaa waxa ka muuqda arrin gef iyo mala-awaal ah oo xaqiiqda ka fog.
Wasaaraddu waxay ka hawlgashay sidii xafiis Somaliland uga furan lahayd Koonfurta Sudan. Xaaladda Koonfurta Sudan hadda ku jirto iyo iyo siyaasadoodu xidhiidhkooda cusub oo dib u dhacday awgeed ayeyna weli suurtogalin in xafiiska la hirgaliyo imminka. Arrintani waxay imminka sugaysaa fasax laga helo dawladda Koonfurta Sudaan iyo xidhiidhka labada dal. Kharashka uu ka hadalay agaasimuhuna badhna waxa lagu qabtay hawlo qaran oo la xidhiidha hawshaasi, intii kalana waxay sugaysaa tallabooyinka hadhay ee la xidhiidha furitaanka xafiiska Somaliland ee Koonfurta Suudan.
Waxa kaloo Agaasimihii hore sheegay in la xidhay xafiisyo wakiillada dibadeed qaarkood. Taasi waa arrin jirta, waana siyaasad dawladeed, waxayna ku salaysan tahay baahida siyaasiga ah iyo muhiimadda ay leedahay waddamada xafiisyada laga furayo. Metelan waxaannu joojinay wakiillo aannu ku lahayn dalalka Pakistan iyo Newsland. Nooma muuqato muhiimadda siyaasadeed oo arrintaasi leedahay marka la eego heerka dhaqaale ee dalka.
Haseyeeshee, dhinaca kale waxa la furay xafiisyo cusub oo aannu u aragnay inay mudnaan gaar ahaaneed u leeyihiin Somaliland siyaasad ahaan iyo dhaqaaleba, waxana ka mid ah dalka Jabuuti oo aannu xidhiidh cusub iyo safaarad cusub ka furnay oo ay ka hawlaglaan diblomaasiyiin Somaliland u dhashay. Waxa kaloo aannu xafiis wayn ka furnay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aynu barigii hore ku lahayn qof wakiil ah oo keliya oo aan xafiis iyo shaqaalaba lahayn. Waxaannu kor u qaadnay xafiisyadii aynu ku lahayn Maraykanka iyo Itoobiya. Waxa kaloo aannu wakiillo cusub ku yeelanay Sucuudi Arabiya. Waxa kaloo aannu leenahay adeegyo diblomaasiyadeed oo ay bixiyaan hay’ado caalami ah ka taageerta arrimaha diblomaasiyadda Somaliland iyo la-taliyaal waddani ah iyo kuwa caalamihaba oo ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland,”

- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: The Foreign Minister has to go
emperior
waan arkaa baryahan waad ku kacsantahay wasiirka arimaha dibada, muxuu khalday bay rayi ahaan ku la tahay? I dont particularly pleased with him and silanyo admistration either but for different reason than yours i suspect. Laakiin waxaan ku waydiiday maxaad ku maagtay adigu wasiirka?
and this ramaasnews baryahan si doqonnimo ah ayay mucaarid u tahay, maad garanaysaa Webkan cida qorta?
waan arkaa baryahan waad ku kacsantahay wasiirka arimaha dibada, muxuu khalday bay rayi ahaan ku la tahay? I dont particularly pleased with him and silanyo admistration either but for different reason than yours i suspect. Laakiin waxaan ku waydiiday maxaad ku maagtay adigu wasiirka?
and this ramaasnews baryahan si doqonnimo ah ayay mucaarid u tahay, maad garanaysaa Webkan cida qorta?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Foreign Minister has to go
Ma garanayo cidi qorta ramaasnews kulay reer Somaliland he is very critical but ramaasnews is a patriot
Wixi qaldan wa in la sheega sii loo saxo that's what i believe wasirka arimaha dibada Maxammad cabdulahi Cumar has little experience when it comes to international relations and foreign diplomacy. Siilaanyo has big influence on the foreign policy of the country and he shapes it to some extend i know that but Siilaanyo is not responsible if the foreign minister screws things up.

- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: The Foreign Minister has to go
ninyaw i beleive experience does not matter if the policy is wrong and misguided in the first place. Misguided foreign policy is the reason why we not recognised yet and i believe Kulmiye admistration have taken possitive steps so far compared to previous Udub admistraion. My only critisism againt Kulmiye is that they haven't braved up yet to go further with the argently needed reforms in foreign policy.The_Emperior5 wrote:Ma garanayo cidi qorta ramaasnews kulay reer Somaliland he is very critical but ramaasnews is a patriotWixi qaldan wa in la sheega sii loo saxo that's what i believe wasirka arimaha dibada Maxammad cabdulahi Cumar has little experience when it comes to international relations and foreign diplomacy. Siilaanyo has big influence on the foreign policy of the country and he shapes it to some extend i know that but Siilaanyo is not responsible if the foreign minister screws things up.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Foreign Minister has to go
i don't have anything against the foreign policy its perfect i like how the Kulmiye admin has a clear foreign policy and i welcome that it will be effective in the near future i am certain about that what i am not so sure off is the capabilities of the current foreign minister and if he can deliver if he can really make this foreign policy work that's the Million dollar question.
- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: The Foreign Minister has to go
That is a fair assessment. Do have any other politician in mind who you think could do the job better?
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: The Foreign Minister has to go
Samatar i am not sure did you know siilaanyo asked raqiya omaar to be a foreign minister but she declined there are many other good individuals who can deliver But we shall see what kind of decisions president siilaanyo takes regarding this matter.samatar133 wrote:That is a fair assessment. Do have any other politician in mind who you think could do the job better?
- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: The Foreign Minister has to go
Let us see what the president does. For me policy is more important the personalities and policy can be perfected by buildy the wright institutions, think tank groups that analyse collected and availabe information so that correct decisions are made.
- samatar133
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2342
- Joined: Fri Jun 18, 2010 9:11 am
Re: The Foreign Minister has to go
i think it is time to debate strategies not personalities. dabcan qofku hadii aanu aqoon iyo khibrad lahayn waa problem u baahan in la xaliyo, laakiin istaraatajiyada siyaasada hagaysa ayaa ka muhiimsan shakhsiyaadka sidaa darteedna waxay mudan tahay in wakhtiga inta badan iyada loo huro.
- KingBlack
- SomaliNetizen
- Posts: 845
- Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
- Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.
Re: The Foreign Minister has to go
Dr mohamed hassan should be foreing minister he has more experience
-
- Posts: 235
- Joined: Tue Aug 16, 2011 5:15 pm
- Location: Berbera
Re: The Foreign Minister has to go
he should not go he MUST go.
Re: The Foreign Minister has to go
i said this long time ago. this man is a good man, but he has no experience. he wants to do good things for somaliland but he doesnt know how. kkkk he has to go.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: The Foreign Minister has to go
Isaga iyo kan kalee cuduka ah ee Xirsi tooriile meesha wa ku dheerad. Aqoontooduna wa limited hadana they're more visible than other accomplished individuals ..for what? I don't know.
Re: The Foreign Minister has to go
inadero xirsi toorile he is giving heart attack to nabadiidkii khatumo-seeg. go read khatumo-seeg websites and their outcry against xirsi. kkkkkkkkkkkkk he has to stay. but maxamed cabdullahi cumar has done nothing for somaliland. we lost more diplomatic relations than we gained.Dhaga Bacayl wrote:Isaga iyo kan kalee cuduka ah ee Xirsi tooriile meesha wa ku dheerad. Aqoontooduna wa limited hadana they're more visible than other accomplished individuals ..for what? I don't know.

-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: The Foreign Minister has to go
LeonidaS wrote:inadero xirsi toorile he is giving heart attack to nabadiidkii khatumo-seeg. go read khatumo-seeg websites and their outcry against xirsi. kkkkkkkkkkkkk he has to stay. but maxamed cabdullahi cumar has done nothing for somaliland. we lost more diplomatic relations than we gained.Dhaga Bacayl wrote:Isaga iyo kan kalee cuduka ah ee Xirsi tooriile meesha wa ku dheerad. Aqoontooduna wa limited hadana they're more visible than other accomplished individuals ..for what? I don't know.
Hirsi's job isn't to talk back to Khaatumo seeg or any other group who dislike Somaliland. If he does that, he's just doing his citizen duty like you and I.
Local people are complaining about his behavior and akhlaaq. Wali wax uu umada u qabtay oo kuuqdana lama hayo except collecting huge pay check for useless ministerial position that we really don't need.
P.S we both agreed ninkan xiiqsan ee arimaha dibadu inuu iska tago.
I would say bring back Ina dhoola yare. The most active and accomplished secretary of state somaliland has ever had.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1800 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 1 Replies
- 1215 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 8 Replies
- 2288 Views
-
Last post by ahmad guray
-
- 7 Replies
- 1924 Views
-
Last post by Notorious13
-
- 64 Replies
- 5921 Views
-
Last post by Voltage
-
- 15 Replies
- 1395 Views
-
Last post by metamorphosis
-
- 14 Replies
- 1855 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 37 Replies
- 4432 Views
-
Last post by kaliil
-
- 5 Replies
- 806 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 40 Replies
- 3165 Views
-
Last post by MrSinister