Page 1 of 1

PRESIDENT FAROOLE AND DELEGATION HEAD TO DJIBOUTI

Posted: Sat Feb 18, 2012 4:48 pm
by tightrope
Garoowe:Madaxweynaha Puntland Iyo Wafti isugujira Puntland iyo Jabuuti oo Kuwajahan Jamhuuriyada Jabuuti.
18. februar 2012
APL


Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maalmihii lasoo dhaafay Magaalada garoowe ee Caasimada Dawlada Puntland ay kusugnaayeen Wufuud sarsare oo katirsan qaybaha kaladuwan ee madaxda Soomaalida, Xubno heer sare ah oo kasocda Wadamada deriska ah, Wakiilada Igad iyo Midowga Afrika, Madax badan oo ka tirsan xafiisyada siyaasada iyo amaanka ee Midowga Yurub, Xafiisyada Soomaaliya ee Jamciyada Qurumaha ka dhaxaysa, Safiirada wadamada England iyo Italy iyo Xubno kale oo aad u farabadan ayaa wufudaasi qaarkamid ah waxay bilaabeen diyaargarow ay maanta dib uga noqonayaan wadamadii ay awal kayimaadeen.

Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha kaladuwan ee dawlada ayaa maanta ku mashquulsan kulamo aan caadi ahayn oo ay la qaadanayaan madaxda caalamiga ah ee Garoowe joogta iyadoona xubanahaas qaarkood ay maanta Kormeero isdabajoog ah ku marayaan xarumaha kaladuwan ee dawlada iyo goobo kale oo Muhiim, qaarkamid ah Xubnahaas oo hadlayana waxyaba sheegeen inay mucjiso ku noqotay in Puntland ay martigelinkarto Wufuuda intaas le’eg iyagoona amaanay Nabada iyo xasiloonida Puntland ka jirta oo ay ku tilmaamay mid aysan awal malaysanayn.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroolaha Puntland ayaa la filayaa in isaga iyo Wasiiro ay kamidyihiin Wasiirka Arimaha, gudaha, dawladaha hoose iyo hormarinta reer miyiga Jen.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir), Wasiiru-dawlaha Xiriirka Caalamiga ah Prof.Abdulkadir Abdi Hashi iyo xubno kale oo badan ayaa la filayaa inay goordhow u dhoofaan Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti Iyadoona ay Waftiga Puntland isa sii raaci doonaan Wafti uu horkacayo Wasiirka Cadaalada iyo arimaha diinta ee Jabuuti Dr.Xaamud Cabdi Suldaan iyo xubno kale oo badan kuwaasoo madaxweynaha u keenay casumaad rasmi ah oo uu madaxweynaha Puntland ka helay dhigiisa jabuuti, Madaxweyne Faroole iyo xubnaha lasocda ayaa maanta waqtiyada danbe gaari doona Jabuuti iyadoona maalmo kooban uu halkaas kusugnaan doono, Waxaa la rajeynayaa waftiga Madaxweynuhu inay Jabuuti kadib u dhoofaan Magaalada Dubai iyadoona intaas kadib ay u dhoofi doonaan Magaalada London oo ay uga qaybgali doonaan shirweynaha caalamiga ah ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo halkaasoo Puntland ay casumaad rasmi ah ka heshay.

Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland Team
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... =12672&z=2

Re: PRESIDENT FAROOLE AND DELEGATION HEAD TO DJIBOUTI

Posted: Sat Feb 18, 2012 5:52 pm
by CismanMaxamud1
:up:

Re: PRESIDENT FAROOLE AND DELEGATION HEAD TO DJIBOUTI

Posted: Sat Feb 18, 2012 9:55 pm
by FBISOMALIA
good luck mr.PRESIDENT :up: