Madaxweyne Faroole oo Magaalada London u dhoofay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Madaxweyne Faroole oo Magaalada London u dhoofay

Post by CismanMaxamud1 »

Madaxweynaha Dowlada Puntland C/raxmaan sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacayo ayaa saacadihii ugu danbeeyay ka dhoofay garoonka diyaaradaha garoowe kaasoo shalay ahaa mid aad u mashquul badan.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ku jiraan Wasiirada arimaha gudaha C/laahi Axmed jaamac Ilka jiir,wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo wasiirka waxbarashada ayaa waxaa klu sii sagootiyay garoonka diyaaradaha caasimada Puntland ee Garoowe mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxweyne xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Madaxweynaha waxaa la sheegay inuu jabuuti sii mari doono kadib uu london toos ugu anbabaxi doono hadii Alle idmo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay London uga qeybgalaan shir Dowlada Ingriisku u qabaneyso dhinacyada Soomaalida qaarkood kaasoo aad uga duwan shirarkii hore soomaalida loogu qaban jirey.

Wararka shirka ayaa aad isu soo taraya inkastoo ajandaha rasmiga ah aan wali laheyn hadana dowlada Ingriiska ahmiyad weyn ayay siisay shirkaasi waxaana lagu martiqaaday ilaa 50 madaxweyne oo caalamka ka kala imaan doona.

Shirka oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan inuu socon doono 5 saacadood islamarkaana furmi doona 23-ka bishaan ayaa lagu wadaa inay ka soo baxaan qodono wax badan wax ka badala siyaasada soomaaliya.

Dhanka kale wafdiga Madaxweyne Faroole ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee durba u dhoofa london iyadoo sidaas oo kale madaxweynaha Somaliland uu isna u dhaqaaqay shirkaasi waxaana lagu wadaa in madaxda Soomaalida ee lagu martiqaaday ay dhamaan u dhoofaan dalka Ingriiska sacadaha soo socda.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”