$60,000 Loogu Deeqay Dadkii ku Hanti Beelay Suuqii Gubtay

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

AhmedBoqor
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2986
Joined: Thu Jul 28, 2011 3:50 am

$60,000 Loogu Deeqay Dadkii ku Hanti Beelay Suuqii Gubtay

Post by AhmedBoqor »

Lixdan Kun oo Doolar oo Loogu Deeqay Dadkii ku Hanti Beelay Suuqii Gubtay ee Magaalada Bosaso.

Dadkii ku Hanti Beelay Suuqii Gubtay ee Magaalada ayaa Waxa Loogu Deeqay Lacag Cadadkeedu Dhanyahah Lixdan Kun oo Doolarka Maraykanka ah.

Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid Jaamac oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in tan iyo markii uu gubtay Suuqa ay Rugta waday olole lacag uruurin ah oo loo uruurinaayo dadkii hantidooda ku gubtay dadka.

Ololaha lagu uruurinaayo dhaqaalahaas ayuu sheegay in ay qayb ka yihin Ganacsatada Shirkadaha waaweyn iyo Culimaa’udinka isla markaana uu maraayo meel dhexe,waxaana uu tibaaxay in lacagta ay hada hayaan oo la uruuriyey ay gaarayso $60,000-kun doolarka Maraykanka.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa tilmaamay in lacagtaas dhowaan bilaabi doonaan in ay qeybiyaan balse muujiyey in aysan kaabi karin ama ku filnaan maadama cadadkeeda iyo tirada dadku ku ceyrtoobay ay isku mid ahayn,isagoo xusay in ay mudnaan koowaad siin doonaan dadka danyarta oo u badan Haween.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa qiimeyn ay sameysay ku sheegtay in dabkii ka kacay Suuqa Bosaaso habeenimadii 2-da Bisha December ee sanadkii tegay in hantida ku gubatay gaarayso $15-milyan doolar.
http://raadreeb.com/2012/02/19/lixdan-k ... da-bosaso/

Good start but long road ahead.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”