Goldogob & Iskushuban getting local councils
Posted: Mon Feb 20, 2012 9:51 am
Wasaaradda arimaha gudaha iyo Dowladdaha hoose ee Puntland ayaa sheegtay in dhowaan gole degaan loo samayn doono ilaa labo degmo oo ka kala tirsan gobolada Bari iyo Mudug.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha C/laahi Siciid Aw-Yuusuf oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in degmooyinka Iskushuban iyo Galdogob loo samayn doono asbuucyada soo socda gole degaan oo dooran doona maamul cusub.
Waxaa uu xusay in ay wadaan olole loogu sameynaayo goleyaasha degaanka isagoo tilmaamay in wixii intaas ka dambeeya degmooyin kale loo sameyn doono Gole degaan.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in Wasaaradda ay qorsheynayso in howlo wacyigelin iyo mashaariic horumarineed ka fuliso degmooyinka qaar gaar ahaan kuwa ay saameeyeen kooxaha Burcad badeeda.
Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Gole degaan loo sameeyay degmada Qandala ee gobolka Bari,waxaana sidoo kale la kala diray Golihi degaanka Ufeyn.
