Jubaland's President meets with Danish and Norweg officials

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
Mustafee101
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2222
Joined: Sat Jan 07, 2012 10:10 pm
Location: Hangool iyo Gedweyne

Jubaland's President meets with Danish and Norweg officials

Post by Mustafee101 »

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland State Of Somalia oo Kulan muhiim ah la qatay Dowlada Denmark iyo Norway.
Wararka naga soo garaya Magalada Copenhegan ee Xarunta Wadanka Denmark aya tibaxaya in Magaladaasi uu ka dhacay Kulan dhexmaray Madaxweynaha Jubbaland Dr.Axmed Farax Ducaale iyo Masuuliyin ka tirsan Dowlada Denmark.

Kulankaas aya waxaa diirada lagu saarayay sida ugu haboon ee Dowlada Denmark ay uga qayb qadan lahayd mashaaricda Hormarinta Gobolada ay ka koobantahay Jubbaland sida Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.

Madaxweyne Ducaale aya Waxaa uu dowlada Denmark ka Codsaday in ay Denmark qaybweyne ka qadato Mashaaricda lagu hormarinaya beeraha Jubbaland ayado la wada ogyahay gobolada ay ka koobantahay Dowlad Goboleedka Jubbaland in ay yihiin Dhul aad ugu wanagsan beeraha .

Dowlada Denmarka aya dhankeeda balanqaday in hadi madaxweyne Ducaale uu mujiyo Firfircooni islamarkana u tago gudaha Jubbaland in ay ay Dowlad Goboleedka Jubbaland sinaayso kalmada ay siiso Maamulada Puntland iyo Somaliland taas oo lagu qiyaaso 70 malyan oo dolar Sanadkiba.

Dowlada Danmark iyo Maamulka Jubbaland aya waxaay isla garteen in la dardar galiyo howlaha Maamulka Jubbaland isla markana Maamulku u sida ugu dhaqsiyaha badan ku taago Gudaha Jubbland.

Madaxweyne ducaale iyo Wafdi uu hogaaminayo aya hada waxaay ku siijedan Magalada London ka dib na waxaay uga sii gudbidoonan Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya halkaas oo uu madaxweynaha uga sii gudbi doono Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo.

Madaxweyne Ducale aya kulan midkan la mid ah la qatay Dowlada Norway waxaayna ka wada hadleen in Dowlada Norway ay ka qayb qadato Hormarinta Kalumaysiga iyo wax soo saarka bada Jubbaland waxaa sido kale Madaxweynaha uu kulan la qatay Shirkada Ugu weyne wadanka Norway ee soo saarida Patroolka ee lagu magacaabo STAAD OIL waxaayna ka wada hadleen sidi Shirkadaasi ay u soo saari lahayd Shidaalka ku jira Jubbaland waxana wali socda wada hadaalo ku adan arinkaas.

Madaxweyne ducaale aya waxaa uu si dardar ah ku wada Howlihi Dowlada Jubbaland waxana uu hada awooda Saraya Dhisada Xirirka Arimaha dibada ee uu dhexeya Jubbaland State Of Somalia iyo Calamka intisa kale.

—————————————–

Cabdi Adan Caynte

Copenhegan Denmark
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”