Alqeada commanders fleeing from Baydhaba
Posted: Wed Feb 22, 2012 4:42 am
Abu Mansur loves to live, yet he tells the kids to wish for death
Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Baydhaba
Published on February 22, 2012 by Feysal · No Comments · 1,466 views
Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ay isaga baxayaan horjooggayaasha Al-Qaacidda, iyadoo dadka deegaanka ay billaabeen barakac ku socda si tartiib tartiib ah.
Wararka uu Radio Muqdisho uu ka helayo gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in horjooggayaasha Al-Qaacidda ay billaabeen in ay isaga baxaan halkaasi, kadib markii ay u soo jiheyteen ciidammada dowladda oo kaashanaya ciidammada Itoobiya.
Sidoo kale malleeshiyaaka aan heysan qalab dagaal oo aan sidaa u badneyn ayaa looga cararay gudaha magaalada Baydhaba sida ay wararka sheegayaan, waxaana dadka deegaanka ay haddal hayaan soo galitaanka ciidammada dowladda iyo kuwa Itoobiya.
Goobjoogayaal ku sugan xarunta gobolka Baay ee Baydhaba ayaa inoo sheegay in ay cabsi ka qabaan in uu dagaalka sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo fido, maadaama Al-Shabaab Al-Qaacidda ay billaabday in ay ka cararto cududa ciidammada Xoogga ee ku soo wajahan.
Dhinaca kale malleeshiyaadka Al-Qaacidda ayaa magaalada Baydhaba kala cararay Idaacadda ay dadka ka gaaleysiin jireen ee Andulus, iyadoo aan la ogeen halka ay illaa hadda u carareen.
Ciidammada dowladda ayaa ku soo wajahan gudaha degmada Bardaale oo xilligaani haabaneysa kadib markii ay isaga carareen malleeshiyaadka Al-Qaacidda.