Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka hellaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, ayaa waxay la-wareegeen Magaaladda Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay.
Saraakiisha iyo Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo isaga baxay Magaaladda Baydhabo, ayaa waxay taasi keentay inay Magaaladda Baydhabo si diiran kula wareegaan Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya, oo ay horkacayaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay xilligaan ku sugan yihiin Saldhiga weyn ee Magaaladda Baydhabo, waxayna halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo, iyadoo ay dadka ugu baaqayaan inay isdejiyaan.
Ciidamadda Itoobiya ayaa waxay iyagana xilligaan ku sugan yihiin Xaafadda Buula Jameeco ee Magaaladda Baydhabo, isla-markaana majirto cid ay wax-yeelo u geysteen, waxayna yihiin kuwo feejignaan muujinaaya.
Ciidamadda Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ayaan wax dagaalo ah kala kulmin Xoogaga Shabaab, oo saacado kahor ku baaqaayay inay dagaalami doonaan, ayna shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ka dalbanayaan inay dagaalamaan.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo ayaa waxay yihiin kuwo qaba dareen cabsiyadeed, iyagoo baqdin ka muujinaaya Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab-sanaaya Ciidamadda Milatariga ee Dowladda Itoobiya oo iminka la-wareegay Magaaladda Muqdisho.
Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya C/Fataax Maxamed Ibraahim “Geesey”, ayaa wuxuu sheegay inay shacabka ka dalbanayaan inay muujiyaan deganaansho, isla-markaana wuxuu sheegay inaysan wax dhibaato ah u geysan doonin shacabka.
Sidoo kale Ciidamadda Dowladda ayaa wuxuu ugu yeeray inaysan wax dhibaato ah geysan, isagoo sheegay askari walba oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dhibaato u geysta shacabka ku dhaqan Magaaladda Baydhabo amaba boob ku dhaqaaqa, inay goobtaasi ku toogan doonto Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida, oo Saraakiil ka socdo ay la-socdaan Ciidamadda Dowladda.
Xarakada Al Shabaab oo isaga baxday Magaaladda Baydhabo ayaa waxay ka baxeyn dhinaca Deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay, isla-markaana waxaa jira qaar ka tirsan Saraakiisha Shabaab oo iyana ka baxay dhinaca Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Xasan Cadde
Tafaftiraha Dhacdo.com
kedis114@hotmail.com
Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com
Baidoa Falls In The Hands OF Ethiopian Troops.
Moderator: Moderators
- abgaalKING
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2910
- Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
- Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.
- abgaalKING
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2910
- Joined: Thu Jun 12, 2008 6:43 pm
- Location: Somalo-Amisom Friendship Forum.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: Baidoa Falls In The Hands OF Ethiopian Troops.
Kuffar(alqeada) left, another kuffar( amxaar)entered.
Nothing much has changed.
Nothing much has changed.
- KingBlack
- SomaliNetizen
- Posts: 845
- Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
- Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.
Re: Baidoa Falls In The Hands OF Ethiopian Troops.
Hutuking wat happened to da +5000 alshababa fighters led by eley robow ???? Y did thy ditch da city wat happen to der jihad lool
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Baidoa Falls In The Hands OF Ethiopian Troops.
Only Hawiye allow jihaad in their lands 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 76 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 6 Replies
- 570 Views
-
Last post by Wild-Warrior
-
- 43 Replies
- 4015 Views
-
Last post by original dervish
-
- 38 Replies
- 3390 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 13 Replies
- 1859 Views
-
Last post by Methylamine
-
- 0 Replies
- 310 Views
-
Last post by Madelina
-
- 15 Replies
- 1296 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 20 Replies
- 1605 Views
-
Last post by XimanJaale