Haweenka Muqdisho ku sugan 60% waa garoobo
Posted: Mon Sep 12, 2005 11:27 am
Xaawo Cali Caynte “ Haweenka Muqdisho ku sugan 60% waa garooboâ€Â
Waxaa maanta xafiiskeeda saxaafadda ugu warantay guddoomiyaha garoobada Soomaaliyeed Xaawo Cali Ceynte oo ka war bixisay xaalada ay ku sugan yihiin haweenka goroobada ah ee ku sugan dalka.
Ururkan garoobada oo la dhisay 1993-dii ayaa waxa uu ku tallaabsaday muddadii uu jiray arrimo fara badan, isaga oo xanaaneeya haweenka Soomaaliyeed ee ragoodu dhinteen ama ay fureen oo aan waxba haysan.
“Haweenka waxaan siinaa casharo iyo waliba xirfado kale oo ay ku shaqaystaan waxaana jira ragga inta badan inay ku tuntaan xuquuqda dumarka Soomaaliyeed iyaga oo aan waxba ka aqoon diinteena waxa ay u baneysay dumarka†ayay tiri Xaawo Cali Ceynte.
Mar la weydiiyey in ay jiraan hay’ado taakuleeya iyo in kale waxeyna sheegtay in aysan jirin wax taakuleeya oo hay’ad ah.
Tan iyo markii ay burburtay dowladii dhexe ayaa waxaa dalka ku soo badanayey furiinka macna darrada ah ee lagu furayo haweenka waxeyna sheegtay guddoomiyaha in haweenka 60% ay yihiin goroobo waxayna ugu baaqday jaaliyadaha ku sugan dibedda in ay soo caawiyaan gabdhaha walaalahooda
Waxaa soo diyaariyay
C/shakuur Cilmi Xasan
Qaranimo.com
Muqdisho, Somalia