Shir balaarna oo looga hadlayo hormarina Iyo aayaha Jiriiban

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Shir balaarna oo looga hadlayo hormarina Iyo aayaha Jiriiban

Post by FBISOMALIA »

Jiriiban:(Allpuntland)-Waxaa Maanta degmada Jiriiban ee gobolka Mudug ka dhacay shirweyne balaaran oo looga hadlayo Hormarinta iyo Aayaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug kaasoo ay ka qaybagleen Madax aad u farabadan, Qurbajoogta gobolka Mudug, Ganacsato, Siyaasiyiin, wafti uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, Saraakiisha maamulka gobolka iyo kan degmada Jiriiban, isimada dhaqanka oo uu hogaaminayey Garaad Maxamed Cilmi Shirwac iyo Xubno kale oo aad u farabadan iyadoona shirkan lagu jeexjeexayey laguna falanqaynayey sidii degmada Jiriiban ay u gaari lahayd hormar rasmi ah oo dhinaycada wadooyinka, bilicda iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada ay u heli lahayd.

Shirkan oo ahaa kii ugu balaarnaa ee mudo dheer ka dhaca Degmada Jiriiban ayaa waxaa soo qabanbqaabiyey Maamulka degmada Jiriiban ee gobolka Mudug iyo Maamulka gobolka Mudug iyadoona lagu beegay booqashada madaxda uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ay ku joogaan degmada Jiriiban iyadoona Waftigaas ay halkaas u tageen u kuurgalid iyo kormeer shaqo, Shirka ayaa looga hadlay qodobo badan oo muhiim ah kuwaasoo ay ugu horeeyaan Mashruuc hormarineed oo ay wado hay’adda PAY kaasoo ku saabsan la dagaalanka Burcad Badeeda, hormarinta jidadka iyo Wacyigelin ka dhan ah Burcad badeeda iyo dhaqan xumida ay deegaankaas kusoo kordhisay.

Gudoomiyaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug Cabdikariim Keytoon oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa sheegey in degmada Jiriiban oo ah degmo soo jireen ah ay imika rabto inay horey u dhaqaaqdo islamarkaasna hormarkeeda ay u istaageen bulshada, maamulka gobolka iyo kan degmada Jiriiban, Gudoomiyaha degmada Jiriiban ee gobolka Mudug wuxuu sidoo kalena sheegey in Mashaariic hormarineed oo ilaa todobo Boqol oo Kun oo Doollar ah dhawaan laga fulin doono degmada jiriiban.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane.Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo isna shirkaas ka hadlay ayaa sheegey in degmada Jiriiban ay tahay degmo taariikhi ah isagoona ku tilmaamay warshad soo jireen ah oo soo saartay Siyaasiyiin, waxgarad, aqoonyahano, Halgamayaa sare, iyo Rugcadayaal taariikhda Magac ku leh Wuxuuna sheegey in Degmadan ay dawladii hore ee Soomaaliya u dhamaystirtay Adeegyadeedii balse ay imika waxyaabaha qaar kala go’een, Wuxuu sheegey in Gudoomiyaha gobolka Mudug in ay diyaar u yihiin in Jiriiban la hormariyo ayna dib u bilowdo Warshad nimadeedii kala go’day mudooyinkii u danbeeyey isagoona carabka ku dhuftay inay bilaabeen olole rasmi ah oo lagu hormarinayo degmada Jiriiban si buuyiri ay usoo hanato dadkeeda iyo indhaha caalamkaba.

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo kamid ah Salaadiinta dhaqanka ee gobolka Mudug oo shirkaas si rasmi ah usoo xiray ayaa isna ku dheeraaday muhiimada ay degmada Jiriiban u leedahay gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland Wuxuuna Garaadku sheegey in Jiriiban ay xusi doonto cidkasta oo hormarkeeda ka shaqaysa.

Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland Team
quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Shir balaarna oo looga hadlayo hormarina Iyo aayaha Jiri

Post by quark »

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”