



Madaxwaynaha dawladgoboleedka maamulka khaatumo state axmed cilmi cismaan iyo wafdi ka tirsan xukuumadiisa ayaa subaxnimadii saaka kormeer ugu baxay
laba goobood oo loo saanyaday in ay noqon karaan buuxina karaan dhismaha saldhiga booliska ee caasimadda taleex iyo garoonka ay ku soo degi doonaan diyaaraduhu kana duuli doonaan
madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa ku horeeyey goobta uu ka dhismayo saldhiga degmada taleex iyadoo ay halkaa uga sii horeeyeen qaybaha kala duwan ee bulshada odayaasha dhaqanka iyo deegaanka, ingineerka
markii ay soo gaadheen goobta ayaa madaxwaynaha iyo wafdigiisu daraasad ku sameeyeen goobta iyo istaraatiijiyadeeda ka dib waxaa halkaa wafdiga warbixin ku siiyey maayorka degmada taleex kaytoon isagoo sheegay in dhulku yahay kii dawlada soomaaliya markii aan la tashaday qaybaha bulshada deegaankana ay isla qaateen in goobtani tahay ta ku haboon saldhiga caasimada waxaa kale oo isaguna warbixin ka siiyey saldhiga qaabka dhismihiisa iyo dhulka loo baahan yahay oo ah 50mitir oo dhinac walba ah engineer rooble oo sheegay in ay buuxin karto goobtani
waxaana dhagax dhig ka dib khudbad halkaa ka jeediyey madaxwaynaha khaatumo state axmad cilmi cismaan isagoo bulshada ku baraarujiyey in dhismahani u horeeyo mashaariic badan oo ka fili doona caasimada loona baahan yahay in si midaysan la isula qabto wixii ku aadan dhinaca deegaanka una bushaareeyey in uu si dhaqso ah ku dhamaado waxaa kale oo uu mahad celiyey ganaacsatada reer laascaanood oo keenay dhaqaalihii u horeeyey lagu bilaabayo dhismahan saldhiga iyagoo laf ahaantoodu goobta uga soo jeediyey deegaanka taleex in ay bilaabaan dhaqaale ay iska ururiyaan si ay ugu daboolaan baahiyahan oo kale
ka dib madaxwaynaha iyo wafdigiisu waxay u ambabaxeen dhagax dhiga garoonka diyaaradaha goobtaa oo ay hore uga sii shaqeeyeen engineer saleebaan cali barre oo aqoon dheeraad ah u leh dhismaha airpodada iyo sahanka goobaha ku haboon garoon isaga oo ay weheliyeen aqoonyahano kale waxaana ay warbixin ka siiyeen doorashada goobta sida ciidda,bedka,dabaysha ,
ka dib madax waynuhu wuxuu dhagax dhigay garoonkii labaad ee khaatumo state isagoo hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyey ku sheegay in ay xukuumad haan u igmadeen eng saleebaan cali barre uuna leeyahay doorashada iyo go aanka kama dambaysta ah goobtii uu dhici lahaa garoon loo aayo ay noqotay halkan oo uu inoo dooray saleeban ali bare


