Page 1 of 1

Beesha Hawiye supports Khaatums Khaatumo state

Posted: Mon Feb 27, 2012 7:09 pm
by samadoon-waaxid
Beesha Mudulood
Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia ayaa maanta martiqaad balaadhan loogu sameeyey waftiga dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Khaatumo State of Somalia ee halkaasi kusugan,

Waftiga ayaa waxaa kulan qado sharaf ah u sameeyey beesha Soomaaliyeed ee Mudulood oo kamid ah jufooyinka beesha hawiye,waxaana martiqaadkaasi fidiyey Imaanka guud ee beeshaasi, ugaasyada, xubnaha golayaasha dawlada ugu jira beesha Mudulood, culima awdiin iyo waxgarad kale ayaa xafladaasu kasoo qayb galay waxaana kamid ahaa dadkii ka dhex muuqdey munaasibadaasi,

Imaam Maxamed Yuusuf Cali

Ugaas Xuseen Jilicow

Xildhibaan Cumar Finish

Gud.Gobolka Sh./Dhexe. Cabdi Jilicow Culusow

Safiir Maxamed Maxamuud Tifow

Ag.Guud. Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur)

Cade Xasan Gaabow iyo dad kale oo aan magacyadooda halkan lagu soo koobi Karin.


Halkaasi dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Sh Cali MAxamuud Cali (Cali wajiis) waxaana uu hambalyo u diray dadka deegaanada Khaatumo State of Somalia iyo maamulkooda cusub.

:Waxaan dadka deegaanada Khaatumo ugu hambalyaynayaa sida ay ugu dhabar adaygeen midnimada umada Soomaaliyeed, magaca Khaatumo waa magacii ugu wanaagsanaa ee maamul goboleed laga dhiso Soomaaliya loo bixiyo waana magac u taagan midnimada umada Soomaaliyeed deegaanadaasi waa meeshii halgankii xornimo u dirirka Soomaaliyeed ka soo bilaabmay Soomaaliyana diintu ugu soo hor gaadhay maanta Soomaalinimadii baa loo jeestay khaatumaana horkacaysa.” Sidaasi waxaa yiri sh Cali Maxamuud oo madasha ka hadllay.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay xildhibaan Cumar Finish oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia waxaana uu sheegay inuu aad u taageersan yahay halkanka ay ku jiraan maamulka iyo shacabka Khaatumo ee ah midaynta umada Soomaaliyeed,

“Anigoo wakiil ka ah xildhibaanada barlamaanka ee ka soo jeeda beesha Mudulood

waxaanu idiin sheegaynaa dhamaantayo inaanu idinku garab taaganahay halganka aad wadaan ee midnimada umada Soomaaliyeed, waxaana rajaynayaa in ubadka inaga danbeeyaa inay taariikhda ku dhigan doonaan maanta midnimada iyo talada Soomaalinimo ee aad wadaan,” ayuu yidhi xildhibaan Cumar Finish.


Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay Imaan Maxamed Yuusuf Cali oo ah imaanka beesha Mudulood waxaana uu hambalyo u jeediyey maamulka cusub ee Khaatumo iyo sida loogu midoobey.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay waftiga maamulka Khaatumo State of Somalia waxaana u hadlay ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur wuxuuna u mahadceliyey beesha Soomaaliyeed ee marti qaadka u samaysay (Beesha Mudulood) “Waxaan idiinka mahadnaqaynaa kulankan iyo martiqaadkan dhaqankii Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa nasoo xasuusiyey iyo taageerada aan noo muujiseen, midnimada umada Soomaaliyeed waa waajib muqadis ah oo dhamaanteen inawada saran waxaana anagu markasta waa nabad iyo Somalinimo marwalbhana waxaan ku baaqaynaa inaan Somalia nabad kula noolaano” saas waxaa yidhi Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo kamid ah golaha dhaqanka ee maamulka Khaatumo State.

Waftiga dawlada goboleedka Khaatumo State of Somalia ee kusugan magalada Muqdisho ayaa mudadii ay halkaasi joogeen waxay kulamo la qaateen madaxda dawlada Somalia iyo madax dhaqameedka beelaha Somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho waxayna waftiga Khaatumo halkaasi kala kulmeen taageeradii u balaadhnayd oo loo sameeyo maamul Soomaaliyeed

Re: Beesha Hawiye supports Khaatums Khaatumo state

Posted: Mon Feb 27, 2012 7:16 pm
by samadoon-waaxid
Sacad-Habargidir
Image

http://horufadhi.com/wp-content/uploadsImage/[/img]2012/02/76.jpg

Image

Image
Beelweynta Sacad ee Habargidir ayaa kulan isugu jira soo dhaweyn iyo qado u sameeyey Wufuudii Khaatumo State ee ay Hogaaminayeen Madaxweyne Biindhe iyo weliba Garaadka Guud ee gobolada Khaatumo State Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac. Kulankan ayaa lagu lafo gurey xidhiidhka labada dhinac iyo sidi loo taageeri lahaa maamulkaas Soomaaliyeed ka curtay waqooyiga Soomaaliya, kaasoo u taagan midnimada umadda Soomaaliyeed.

Re: Beesha Hawiye supports Khaatums Khaatumo state

Posted: Tue Feb 28, 2012 7:19 am
by original dervish
excellent news. We must widen our political relations with all the somali states, as well as the outside world. :som:

Re: Beesha Hawiye supports Khaatums Khaatumo state

Posted: Tue Feb 28, 2012 11:29 am
by SOM1960
Galmudug are great partners and they support Khatumo :som: