
Madaxwwynihi hore ee Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya C/laahi Yusuf Axmed ayaa u guuray dalka Itoobiya isaga oo ka wareegay dalka Yemen oo ku dhawaad mudo shan sano ah daganaa.
Corneelka gaboobay ayaa la sheegayaa inuu uga guuray dalka Yemen sababo xaga amaanka ah, iyo madaxweyne Cali Cabdala Salax oo ay saaxibo ahaayeen oo xakunka ka dagay.
Dalka Yemen ayaa amaankiisu kasii darayey tan iyo marki ay bilowdeen kacdoonki xakunka loogaga riday Cali Cabdala Saalax sanadki aanu kasoo gudubnay, waxaana haatan soo xoogeysanaya wararka sheegaya in Al Qaacidada Soomaaliya ay kusii qul qulayaan halkaasi.
Itoobiya ayuu u arkay Madaxweynihi hore ee Soomaaliya in ay tahay badalka ku haboon ee halka uu dagayo maadaama uu xiriir wanaagsan la leeyahay Ra’isulwasaare Males Zanaawi.
C/laahi Yusuf ayaa dagay dalka Yemen sanadki 2009 markaasi oo ay beesha caalamka ku qasbeen in uu xilka madaxweynaha ka dago, kadib marki ay isku dhaceen ra’isulwasaarihi Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
If Yemen already failed to protect him, imagine if this traitor lived in Bintiland he would be killed.