Mahiga”Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen.”
London(Pi) Xafladii ay Jaaliyada Puntland ee London usameeyeen Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London ayaa waxaa marti u ahaa Danjiraha Qaramada Midoobay arimaha Soomaaliya u qaabilsan Augostine Mahiga, wuxuuna Xaflada ka jeediyey khudbad dheer.
Agustina Mahiga” Puntland Waxay Role Model u tahay Soomaaliya” Ambashatoor Mahiga “ Waxaan soo marnay jid aad u dheer , oo aanu dhammaanteen ka wada shaqaynay, Waxaan hambalyo u jeedinayaa dowlada Puntland iyo shacabka Puntland oo suurtageliyey wixii wanaag ahaa oo soómaali oo dhan ay heshay, Puntland haddii aysan jiri lahayn Maanta talaabada siyaasadeed ee la gaaray lama gaareen. Talabooyinkii siyaasadeed ee Garoowe1 iyo Garoowe2 waxay suutageliyeen shirka London, waxaana idiin sheegayaa hadalka uu ku hadlay Cameron ee ahaa (Dowlada Federaalka ma dhaafi karto waqtigeeda), anagu waxaan go’aankaas ku soo gaarnay Shirarkii Garoowe1 iyo Garoowe2, oo waxwalba horaan usoo dhamaynay , wax dhamaysan ayaa lala yimi London, Puntland hadaysan jirin lama gareen wax heshiis ah , waana guul ay keeneen shacabka Puntland iyo Dowlada Puntland oo iska kaashaday degenaanshaha deegaanada Puntland. Waxaan kaloo ku farax sanahay Work shop-ka ay qabteen Jaaliyadaha Puntland Diaspora oo 2 bilood kahor igu marti qaaday inaan ka soo qayb galo shirkooda oo ay uga hadlayeen horrumarinta Puntland dhanka siyaasada , Waxbarashada, Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo Dimoqraadiyada”. Inkasta oo Xaflada waxyaalo badan laga hadlay haddana waxaan ku dadaalnay oo kaliya inaan soo qaadano hadaladii gaarka ahaa oo kooban ee ay meeshaas ka sheegeen masuuliyiintii ka soo qayb galay
Sawiradii xaflada oo ay kasoo Qaybgaleen Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyo Waftigii Puntland uga qayb galay shirkii London oo uu hogaaminayo Madaxweyne Faroole, hada ayaan gacanta ku haynaa oo soo gudbinaynaa, Waxaa Xaflada iskusoo dubaridey PDF-Uk, waxaa Marti u ahaa PDF USA, PDF CANADA IYO PDF DENMARK.