Over 150 killed in Raaso -Somali galbeed clashes
Posted: Sat Mar 03, 2012 2:00 pm
Bloody hell, daadkan walana.
Sheikaash awalba ayaago qabil yar aha ayii boqolal iska dileen. Alle ha kala qaboojiyo ummada walalaha ah.
Dagaal Maalintii Afraad Ka Socda Deegaanka Raaso Ee Gudaha Ismaamulka Soomalida Itoobiya Iyo Dhimashada Labada Dhinac Oo Kor U Dhaaftay 150 Ruux
Raaso (Ramaas) Mar 3,2012 – Waxa Maalintii afraad dagaal lagu hoobtay ka socdaa deegaanka Raaso iyo deegaanada ku hareeraysan oo ka mid ah dhulka Ismaamulka Soomalida Itoobiya.
Dagaalkan oo u dhexeeya laba bilood oo halkaasi wada degga la sheegay inuu saddex maalmood ka hor halkaasi ka qarxay, iyadda oo la sheegayo in dagaalkaasi uu yahay mid uu sababay aanooyin hore oo labada beelood kala tirsanayeen.
Dagaallkan oo ah mid aad u balaadhan oo labada beelood aanay waxba isula hadhin isla-markaana aan ilaa hadda dawlada dhexe iyo dawlada ismaamulka Soomalida midna ma qaadin talaabo ay ku joojinayso dagaalkan.
Wararka deegaanka Raaso laga helayo ayaa sheegay in dagaalkan uu sababay khasaare faro badan oo dhimasho iyo dhaawacba ah, iyadda oo la tilmaamay in ilaa hadda dhimashadu marayso 150 qof oo labada dhinac, jiraana dhaawacyo intaasi ka badan.
Dagaalkan labada beelood u dhexeeya oo u muuqda mid khasaarihiisu sii badanayo, ilaa haddana aanay muuqan rajo ah inuu istaago ayaa waxa dhagaha ka furaystay maamulka kililka shanaad ee Itoobiya iyo dawlada dhexe, waxaana la isku daawanayaa labada beelood ee is-gumaadaya.
Ramaasnews Desk
Hargeisa
.