Elders from Ceel Dibir kidnapped and arrested
Posted: Mon Mar 05, 2012 4:52 pm
Odayyaal Somaliyeed oo lagu xiray Magalada Galadi ee gobolka Wardheer
admin | May 11, 2011 | 0 comments
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Gallaadi ee Ismaamulka Kililka Shanaad ayaa sheegaya in Waxgarad Soomaaliyeed oo laga soo qab qabtey deegaanka Ceel Gibir la soo gaarsiiyey degmada Gallaadi.
Odayaasha Soomaalida ah ayaa la sheegay in ay soo qabteen ciidamada Ethiopian ah, kuwaasi oo Odayaasha u kaxeeyay dhinaca magaalooyinka waaweyn ee Ismaamulka Kililka Shanaad.
Inkastoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee la xiro Waxgarad Soomaaliyeed oo ka agdhow deegaanada maamulka Kililka Shanaad haddana waxaa arintani cabasho balaaran ka muujinaya dadweynaha ku dhaqan deegaanka laga afduubtey Odayaasha.
Dowladda Ethiopia oo ay ciidamo badan ka joogaan xuduudaheed ayaa mar walba xabsiyada dalkeeda dhigta dad tiro badan oo ay ku soo eedeeyaan in ay taageeraan kooxaha Ethiopia ka soo horjeeda, ama dadka diida in Ethiopia ay ku soo durugto xuduudaha dalka Soomaaliya ee taariikhdu qorayso