
The khaatumo reactionMadaxweynaha dawladda KMG ah ee Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, ayaa si rasmi saaka qalinka ugu duugay..
aqoonsiga maamulka Khaatumo State of soomaaliya inuu yahay mamaul goboleed kusoo biiray maamulada hore dawladda Federalka Somalia, kadib markuu buuxiyey dhamaan shuruudihii looga bahnaa.
Warkaas farxada leh markuu soo baxay kadib waxaa Magaalooyinka Buhoodle, laascaanood, Boocame iyo Taleex ka bilaamay banaanbaxyo waaweyn oo lagu soo dhowaynaayo guusha usoo hoyatay shacabka deegaanadaa khaatumo.
Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac( indho-sheel) oo ka mid ah golaha sare ee madaxtooyada ayaa magaalada Buhoodle kula hadlay dadka isugu soobaxay meel fagaare ah, waxaana uu u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay guushaas weyn, isagoo hambalyo iyo bogaadin u diray shacabka reer Khaatumo meel joogaanba aduunka.
Wasiiro ka tirsan maamulka Khaatumo ayaa iyana halkaasi ka hadlay waxana dhamaantood sheegeen in maantaa aay tahay maaalin weyn oo mudnaanteeda iyo taariikhdeeda u leh shacabka Khaatumo iyo ummadda Soomaaliyeed ee midnimada Jecel.
Guushan maanta usoo hoyatay shacabka Khaatumo ayaa ah mid ku timid taladii ka bilaabantay shirkii magaalada Taariikhiga ah ee Taleex, laguna yagleelay maamulka goboleedka Khaatumo.

Siilaanyo's reaction
