
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Wafti uu horkacayo Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Mudane, Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa soo gabagabeeyey booqasho kamid ah Booqashooyinkiisa isdabajooga ah ee uu ugu kuurgalayey Xaalada deegaanada uu xukumo iyo Ka warqabka shacabkaas uuna ku siyaadinayey Isfahanka shacabka iyo Dawlada meeshana uu uga saarayey Dhaliishii shacabka ee ahayd ka warqabis la’aanta isagoona maalmihii u danbeeyey booqanayey Degmada Galdogob iyo meelo badan oo hoosyimaada Degmadaas oo ay kujiraan deegaanada dhanka Xuduuda ah.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane,Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa ka sokow booqashadiisa uu booqday magaalada Galdogob oo lagawado qorshe loogu samaynayo gole deegaan wuxuu sidoo kale booqday meelo kamid ah Degmada Jiriiban oo darafyada xuduuda Puntland iyo Ethiopia kuyaala Waxaana meelihii uu booqday kamid ahayd Qansaxley, Riigoomane, Bursalaax iyo Magaalada cusub ee sida casriga ah loo dhisay ee Daara-Salaam oo ku taala Xuduudka Puntland Iyo Ethiopia iyadoona sidoo kale kasokow ahaanshaheeda magaalo xuduudka ah ah Magaalo Istaraatiiji ah oo si nidaamsan loo dhisay.
Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Daara-salaam iyadoona Intii uu halkaas joogay ay magaaladaas ku booqdeen xubno dabasocday Gudoomiyaha oo kamid ah Dawlada dhexe ee Puntland kuwaasoo ku mashquulsan samaynta golaha deegaanka ee degmada Galdogob iyadoona xubnahaas ay kamidyihiin Wasiiru-dawlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gaashaan, Wasiir xigeenka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdi Yaasiin iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Yaasiin Cabdille Geesood iyagoona la hadlay shacabka deegaankaas ugana mahadceliyey soo dhawayntooda, Dhanka kalena Shacabka reer Daara-salaam ayaa sheegey in ay tahay markii ugu horaysay oo maamulka gobolka Mudug iyo Xubno intaas le’egi ay soo booqdaan magaaladooda.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo la hadlay Shacabka reer Daara-salaam ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu u yimaado shacabkiisa waxaana uu sheegey in Maamulkiisa oo sanad kala barkiis jira ay arimo badan oo isku duubnaanta shacabka ah iyo Shacabka iyo Dawlada Wadashaqayntooda ah uu aad ugu dadaalay isagoona ka sheekeeyey arimo badan oo maamulkiisa u qabsoomay mudadaas uu jiray oo midnaanta shacabka ugu muhiimsanayd taasoo ay ku guuldaraysteen maamuladii ka horeeyey isaga, Wuxuu sheegey inay booqdeen dhamaan qaybaha kaladuwan ee degmooyinka gobolka oo ay kujirto degmada Jiriiban ee gobolka Mudug oo dhowr sano aysan dawladu tagin imikase uu isagu geeyey xubno badan oo golayaasha dawlada ah, Dhanka kalena Wuxuu Gudoomiyaha gobolku Shacabka reer Daara-Salaam uu uga warbixiyey Waxqabadka Xukuumada Puntland ee imika jirta oo uu sheegey inay arimo badan qabatay kuwaasoo daliilo cadcad ay u yihiin shirarka Soomaalida la’isugu keenayo ee Garoowe dhowrka jeer lagu qabtay, Ceelka Shidaalka Puntland oo qodistiisu ay heer wanaagsan marayso, Xiriirarada iyo iskaashiga Caalamiga ah iyo Nidaamka Asxaabta badan isagoona rajo ka muujiyey in dhawaan loo gudbo Doorasho Dimuquraadi ah oo qofkasta uu dooran doono Maamulkii matali lahaa Wuxuuna sheegey in Dawladu ay arimo kale oo hormar ah ku mashquulsantahay.

Dhanka kalena Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa ku dhawaaqay in Sanadkaan uu si rasmi ah Magaalada Daara-Salaam uga hirgeli doono kastankii xuduudka Puntland iyo Ethiopia kaaso uu sheegey in Qorshaha howlgalintiisu ay meel wanaagsan marayso, Gudoomiyaha ayaa shacabka reer Daara-Salaam ugu baaqay inay nabada iyo hormarka ka shaqeeyaan ayna ilaaliyaan amaanka xuduudka ay degenyihiin wuxuuna codsaday in lala dagaalamo Mukhaadaraadka iyo Waxyaalaha Xumaanta ah, Intii uu joogay Daara-Salaam wuxuu gudoomiyuhu booqday Halka xuduuda ah oo kastanka Puntland-na uu ka howgali doono, sidoo kalena wuxuu soo kormeeray qaybaha kaladuwan ee magaalada Daara-Salaam oo uu ku amaanay qaabka bilicsanaanta magaalada ah iyo qorshaha magaaliga ah ee loo sameeyey naqshadaynta iyo dhismaha Daara-Salaam iyadoona uu gudoomiya Dhul (Bugcad) ay shacabka reer Daara-Salaam ay gudoomiyaha ku sharfeen, Wuxuu sidoo kalena Gudoomiyuhu booqday meelo kamid ah Magaalada oo uu aad uga baxay geedka Afakaadhada loo yaqaano ee wadamada Soomaaliya deriska la ah Soomaaliya ayaa Shaambooyinka iyo Kareemada ka sameeyeen wuxuuna sheegey in geedkani uu muhiim yahay, Booqashadiisa Daara-Salaam iyo meelo kale oo uu cagta mariyey kadibna Wuxuu Caawa dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug isagoona sheegey in Safarkiisu uu guul kusoo dhamaaday, Safarkiisan ayaa kamid ah Safarada mucjisada noqday ee uu samaynayey maalmihii tagay waana gudoomiyuhu ugu warqabka dhawaa shacabka degen deegaanada ka fog Magaalada Gaalkacyo oo aysan horey maamuladii maamulka imika jiray aysan booqashooyinka noocan oo kale ah u samayn jirin.