Veterinarian Center launched in Haylaan Maakhir State

The region of Maakhir coast and its environs. Maakhir forum discusses current events, economic development and Somali Unity.

Moderator: Junior Moderators

Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Veterinarian Center launched in Haylaan Maakhir State

Post by Highland »

Dhahar (SPR): Waxaa laga furey magaalada Dhahar xarun aad u balaadhan oo ay ka fureen dhalinyaro u dhalatey deegaanka waxaana maal galiyey Hay’ada la yiraahdo TeroNova. Xaruntan ayaa waxay ka koobantahay dhowr qol iyo hool shirar, sidoo kale Laab lagu daweeyo xoolaha.

Wareysi aanu la yeelanay mid ka mid ah masuuliyiinta xaruntan Faysal Cabdi Xassan ayaa wuxuu sheegay in ay xaruntani laga dhisey oo kaliya sadex magaalo ee deegaanada Maakhir isagoo sheegay in ay xaruntani ka faa’ideysan doonaan xoola dhaqatada deegaanada Sanaag iyo Haylaan iyo dhamaan umada Soomaaliyeed oo raratada ah. Mudane Faysal ayaa sheegay in qalabka intiisa badan ay soo gaareen isla markaana oo ay kaliya harsanyihiin qalabkii Laboratoriga iyo daawooyinkii ay haatan sugayaan dhawaan. Mudanahan ayaa sidoo kale xusey in ay xaruntu leedahay Solar System oo ay kaga maarantay matoor koronto iyo naaftada oo qaali ah.

Mudane Faysal ayaa sheegay mar la weydiiyey in ay jiraan dhaqaatiirta ka howl galaysa ayaa wuxuu sheegay in ay dhaqaatiirta daryeelka xoolaha ay qaar ka mid ah ku suganyihiin Dhahar sida dhaqtarkii weynaa ee Dr. Daahir Wala-weyn oo ka mid ahaa dhaqaatiirtii ugu caansanayd waqtigii dowladii Siyaad Bare kana soo shaqeeyey. Sidoo kale ayuu wuxuu Faysal sheegay qaar kale oo dhaqaatiir ah ay ku suganyihiin gobolka gudihiisa, isagoo sidoo kale xusey in ay sugayaan dhaqaatiir kale oo iman doonta, maadaama xaruntani lagu rajaweynyahay inay si weyn u shaqeyso.

Mudane Faysal ayaa sheegay sidoo kale in ay wadaan, dhismihiina ay dhameystireen Warshada Caanaha taasoo ay hay’adii balan qaadey in ay qalabeyso dhawaan ka caga jiidey, Mudane Faysal ayaa sheegay in jaaliyada dibada looga baahanyahay sidii ay dalka u maal gashan lahaayeen barnaamijyadaana ay wax kala qaban lahaayeen. Mar wax laga weydiiyey in ay Wasaarada Xanaanada Xoolaha wax ku caawisey ayuu sheegay in aysan haatan wax jirin ay howshuna bilowtahay laakiin ay wada shaqey ka rajeynayaan.

WAREYSIGII OO DHAMAYSTIRAN HALKAAN KA DHAGAYSO
Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Re: Veterinarian Center launched in Haylaan Maakhir State

Post by Highland »

Image

Image

Image
Image
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Maakhir”