PL new DASTUUR will be approve in 15 / 04 / 2012

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

PL new DASTUUR will be approve in 15 / 04 / 2012

Post by FBISOMALIA »

Image

Garowe, Mar 10 - Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa lagu iclaamiyey in aftida dastuurka qabyada ah ee Puntland la qaban doono 15-ka bisha April, 2012.

Guddiga doorashada Puntland ayaa guddoomiyey in aftida dastuurka la bilaabo 15-ka bisha, talo ahaanna ugu soo jeediyey xukuumada iyo baarlamaanka Puntland.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Maxamed Xasan Barre 'Shimbiralaaye' oo ka hadlay xaflad lagu iclaamiyey gooraynta aftida dastuurka ayaa sheegay in ay guddoomiyeen in 480 ergay ay afti u qaadi doonaan dastuurka Puntland, ayna ergooyinku iman doonaan caasimada Puntland ee Garowe 15-ka bisha April, ayna bilaabi doonaan ansixinta dasturka.

Waxaa uu intaas ku daray in guddigu ay go'aankooda u gudbiyeen xukuumada iyo baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka Puntland C/rashiid M. Xirsi oo isna ka hadlay xaflada ayaa sheegay in himiladii aasaaska Puntland uu ahaa in doorasho ijtimaaci ah la qabto, shacabkuna uu ka qayb qaato hoggaanka dalka; waxaa uu xusay in ay tahay horumar in la hirgaliyo barnaamijka dimuqraadiyadeed ee Puntland, juhdi badanna loo soo maray in la soo gaaro heerka maanta la joogo.

Md. Xirsi waxaa uu sheegay in Puntland ay gaartay horumar siyaasadeed, dhaqaale, iyo bulsheed, taasna ay ka turjumayso tadawurka la soo maray iyo heerka mustaqbalka ka hiigsanayo.

Waxaa intaas kadib la akhriyey wareegto uu saxiisay M/weyne Faroole oo uu ku aqbalay gooraynta aftida dastuurka Puntland.

M/weynaha Faroole oo gunaanadka xaflada iclaaminta gooraynta aftida dastuurka ka hadlay ayaa sheegay in uu hore u ballan qaaday in uu hirgelin doono barnaamijka dimuqraadiyadeed ee Puntland, uuna doonayo in uu ka dhabeeyo doorashooyin ka hirgala Puntland.

Waxaa uu ka soo sheekeeyey wejiyadii kala duwanaa ee uu soo maray dastuurka Puntland, iyo in hadda la gaaray xilligii doorashooyin laga hirgalin lahaa degmooyinka, gobollada iyo hoggaanka sare ee Puntland.

Mudada Xukuumada

M/weyne Faroole waxaa uu sheegay in mudada golayaasha dawladu ay tahay shan (5) sano, aanayna u baahnayn in muran la galiyo; waxaa uu xusay in dastuurka ay ka dhaxleen xukuumadii ka horeysay uu sidaa dhigayey, waxna aan laga badalin; taa macnaheeduna uu yahay in doorashooyinka la qaban doono 8-da bisha Janaayo, 2014.

Qodobkan ayaa dhalin doona is-maandhaad siyaasadeed, maadaama in badan siyaasiyiinta u hanqal taagaysa hoggaanka sare ee Puntland ay qabaan in mudada golayaasha dawladu ay tahay afar (4) sano, doorashooyinka guudna ay tahay in la qabto 8-da bisha Janaayo, 2013.

Qaabka Doorashada

Marka la ansixiyo dastuurka Puntland waxaa xigi doona dhismaha iyo sharciyaynta axsaabta siyaasadeed oo la sheegay in lagu koobi doono 3-da xisbi ee ugu codka bata doorashooyinka golayaasha deegaanka. Saddexdaas xisbi ayaa deetana u tartami doona kuraasta baarlamaanka. Baarlamaanka ayaa isna dooran doona afhayeenka baarlamaanka, madaxweynaha, iyo ku xigeenkiisa.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.
User avatar
CismanMaxamud1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1824
Joined: Sun Jan 02, 2011 11:16 am
Location: SSDF/Kulmis

Re: PL new DASTUUR will be approve in 15 / 04 / 2012

Post by CismanMaxamud1 »

Puntland constitution finalized by April 15
Puntland President Abdirahman Mohamed Farole signed a decree that states the Puntland constitution will be officially finalized by the 15 April, Radio Garowe reports.

A press conference of the official signing of the decree was held on Saturday in the presidential palace which many government officials made remarks about the finalization of the Puntland constitution including Speaker of Parliament Abdirashid Mohamed Hersi, director of the electoral committee Dr. Mohamed Hassan Bare and finally President Farole.

Many attended the meeting including Vice President Gen. Abdisamad Ali Shire, deputy speakers of parliament, ministers and MPs.

Dr. Bare was the first to speak at the event on Saturday emphasized the importance of a constitution for Puntland state. “The importance of establishing a state constitution for Puntland helps steer the government in the direction of democracy,” said Dr. Bare.

Speaker Hersi made a few remarks after Dr. Bare thanking the electoral committee and organizers of the event. “I am very pleased that an electoral committee was established and it is very crucial to the democratization process for Puntland,” said speaker Hersi.

After President Farole signed the decree he started by thanking the officials who work diligently for the Puntland people. “I want to thank everybody who is working tirelessly for the people and government of Puntland. When my government took the incumbency in 2009 we promised that we would return the authority of choosing leaders back to the people,” said Farole.

President Farole said that the official finalization of the Puntland constitution would be on the 15th of April. “The constitution will be finalized on the 15th of April and will be overseen by the national constitution assembly which will consist of representatives of the people of Puntland chosen by the people of Puntland,” said President Farole.

Farole also spoke about the accomplishments of his government including the 2010 Puntland military operation against the Galgala mountain militia.

Finally President Farole brought up the issue of the Somali Shilling which has strengthened against the US dollar recently and the announcing of new Somali Shilling notes to Puntland. “There are a lot of issues why the Shilling has strengthened and the Puntland government is investigating certain factors that have attributed to this issue. I urge anybody who is holding Somali Shilling to register their money into the central bank so the process to change the old Shilling into the new one is easier,” said Puntland President.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”