
Garowe : Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa maantey xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Maxamud Maxamed Cartan oo ah dhakhtar lafaha ah oo qaliin ah sido kalena sameeya qaliimada guud iyo Dr. Axmed Jama (Dheeliye) oo ah Dhaqaalayahan, labadan aqoonyahan waxay ka yimaadeen Wadanka Finland iyadoo ay la shaqeyn doonaan Wasaaradda Caafimaadka ah.
Labadan aqoonyahan iyo dhakhtar kale oo indhaha qaabilsan oo ka shaqo bilaabay Isbitaalka Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari waxay hordhac u yihiin dhakhaatiir iyo aqoonyahano gaaraya 25 qof oo la shaqeyn doona Wasaaradda Caafimaadka Puntland kana imaan doona wadanka Finland iyo dalal kale oo yurub ah iyadoo mashruuca ay ku imaanayaana la yiraahdo FINSOM/MIDA Project waa mashruuc 3 sano ah oo ay maalgalinayso Wasaaradda Arimaha dibadda ee Findland kaasi oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.
Dr. Maxamud Maxamed Cartan oo qaabilsan qaliimada Lafaha waxa uu fariisan doonaa oo uu si toos ah uga shaqo galayaa Isbitaalka guud ee Garowe iyadoo sidoo kalena uu casharo ka bixin doono kuliyada caafimaadka ee Jaamacadda Bariga Afrika. Dr. Axmed Dheeliye waxa uu isaguna bartey dhaqaalaha iyo hormarinta mashaariicda waxaana uu la shaqeynayaa Wasaaradda Caafimaadka Waaxda qorsheynta iyo hormarinta isagoo 2 dii todobaad ee u danbaysayna toos u shaqeynayay.
Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Claahi Warsame ayaa si diiran usoo dhaweeyey aqoonyahanada hordhaca u ah Mashruuca FINSOM/MIDA Project oo ay Wasaaraddu saxiixday sanadkii hore, wasiirku waxa uu carabka ku dhuftey in dhakhtar indhaha qaabilsan oo ka mid ah kooxdan uu ka shaqo galay Isbitaalka Boosaaso Garowena uu ka shaqagalayo Dr. Cartan halka Dr. Axmed Jaamac Dheeliye uu la shaqeyn doono Wasaaradda Caafimaadka isagoo mashruuca ka qaybqaadanaya.
Dr. Maxamuud Maxamed Cartan ayaa Wasiirka Caafimaadka uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa Puntland dib ugu soo noqdo isagoo wax soo bartey oo waliba dhalinyaro ah, waxaana uu balan qaadey inuu ka qaybqaadan doono himilooyinka ay wasaaradda caafimaadku tiigsanayso ee caafimaadka lagu hormarinayo isagoo sheegay in dhakhaatiirtii kale ay imaan doona sida ugu dhakhso badan isaguna uu hadda diyaar yahay maantana u ushaqo galayo.
Mashruuca FINSOM/MIDA waa mashruuc balaaran oo hormarinta caafimaadka qayb wayn ka qaadanaya waxaana dhaqaalaha ku baxaya bixinaysa Wasaaradda Arimaha dibadda ee wadanka FINLAND iyadoo uu soo marayo IOM, waxaana mashruucan qalinka ku duugay sanadkii hore Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland hadana la joogo waqtigii la hirgalin lahaa waxaana dadka ka shaqeynaya ay dhan yihiin 25 qof oo Dhakhaatiir iyo aqoon yahano la shaqeyn doona oo dhamaantood caafimaadka wax ka bartey. Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa tan iyo markii uu xilka qabtey waxa u ku jirey dadaal badan sidii dadka caafimaadka bartey ee reer Puntland ay dib ugu soo noqon lahaayeen dalka si ay dadkooda wax u taraan caafimaad ahaan iyo hormar ahaan. Wasiirku waxa uu ku ceshay baaqiisii ahaa in aqoonyahanku uu dalka kusoo laabto si hormarka caafimadaka iyo waxbarashada ay uga qaybqaataan.