dijbouti amisom will be deploy to galmudug-hiiraan-Galgaduud
Posted: Sat Mar 17, 2012 6:57 am
Guriceel (RBC) Ka dib markii dhawaan saraakiisha AMISOM ee howlaha nabad ilaalinta ka wada Soomaaliya ka warbixiyeen in uu soo dhamaaday howlgalka wajiga kowaad ee Muqdisho, oo hadda bilaabanayo wajiga labaad ee gobalada dalka oo lageenayo ciidamo AMISOM, ayaa waxa arrintaas ka hadlay Ahlu Sunna oo taageero ka hesha dhinac kasta dowladda KMG ah.
Meelaha la damacsan yahay in ciidanka AMISOM lageeyo waxa ka mid ah gobalada dhexe ee Soomaaliya.
Guddoomiya gudiga fulinta Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo saxaafadda kula hadlaayay degmada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan ciidamo Djibuti in la keeno gobalka Hiiran ee bartamaha Soomaaliya.
Wuxuu sheegay ciidamada Djabuti in ay la mid yihiin kuwa dowladda, maadama ay yihiin kuwa isku diin iyo isku luuqad ah,
” Ahlu Sunna waxa ay taageersan tahay howlgalka AMISOM ee dalka, gaar ahaan midka la doonayo in laga sameeyo gobalada dhexe iyo kuwa koonfureed” ayuu yiri Sheekh Xeefow.
Xeefow iyo xubno kale ayaa dib ugu soo laabtay Gobalka Galgaduud markii ay ka soo qeybgaleyn shirar caalami ah oo uu ka mid yahay kii Londan ka dhacay bishii horre oo ay ka qeybgaleyn in ka badan 50-dowladood iyo hey’addo caalami ah. iyo mid kale oo ka dhacay Djibuti oo Ahlu Sunna lagu casuumay.
Wuxuu intaas ku daray in ay taageeri doonaan oo ay la shaqeen doonaan, maadama Ahlu Sunna meelaha ay ka arrimiso ku jirto gobalka Hiiraan oo aan daris nahay” ayuu sheegay.
Taliska ciidamada AMISOM ayaa dhawaan waxa ay sheegeyn in ay ciidamo ka socda Djibuti la geeyn doono magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiran oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo ka socda Ethiopia, halka magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay loo daabuli doono ciidamo ka socda Uganda iyo Brundi.
Wuxuu Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunnada gobolada dhexe, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo warbaahinta kula hadlay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ganacsatada iyo siyaasiyiinta ay u furan tahay inay yimaadaan gobollada dhexe.
AMISOM waxa ay sheegtay in dhawaan marka ay soo dhameestirmaaan 18,730 askari in ay ka howlgali doonaan siddeed gobol oo ku yaalla koonfurta iyo Soomaaliya, iyadoo ciidamada Jabuuti iyo kuwo Soomaali la qoondeeyay inay tagaan gobollada dhexe, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
RBC Radi
—————-
Xafiiska Wararka Muqdisho