
Dufcadii 1-aad ee arday aha yaa ka qalanjabiyay jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) ee magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.
Munaasabad balaaran oo ka dhacday xarunta jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST) ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka sh.sh.dh iyo cayaaraha Puntland Cabdiwali Indho Guran.Gudoomiye xigeenka gobolka Mudug Farxaan Cali xirsi ,duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi faarax ,Pro Maxamed Jaamac salaad iyo qaar ka mid ah aqoonyaahanada gobolka Mudug.
Munaasabadan oo Shahaadooyin lagu gudoonsiiyaya arday dhan 32 arday oo ka qalainjabisay kuliyadaha kala duwan ee lagu barto jaamacada PUST ayaa waxaa ugu horaytii daah furay duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax oo ugu horaytii ka hadlay qiimaha waxbarshada.
Col Siciid Cabdi duqa degmada Gaalkacyo ayaa aad ugu bogaadiyay ardayda qalinjabisay in ay tacliinta ay barteen ugu shaqeeyaan degaankooda iyo dadkooda isla markaana ay sii kordhiyaan tacliintooda oo aysan intaan uga harin.
Mursal Abdilsalan Xasan (Daabjeerin) oo ah Financial strategist jaamacada PUST isla markaana waday xiriirka munaasabada ayaa hadalka ku soo dhaweeyay qaar kamid ah masuuliyiintii ka soo qayb gashay xafldan oo dhamaantoodba ugu mahadceliyay jaamacada PUST dufcadii koowaad ee ay soo saarto tan iyo markii dhidibada loo taagay.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Farxaan Cali Xirsi oo isna kalmad kooban ka soo jeediyay xaflada ayaa ugu horayti mahadnaq balaaran u soojeediyay maamulka jaamacada PUST isagoo dhanka kale kula dardaarmay ardayda qalinjabisay in ay sii wadaan waxbarshadooda islamarkaana ay bulshada uga faaiideyan tacliinta ay haatan haystaan.
Qaar kamid ah ganacsatada gobolka Mudug oo munaasabadan ka soo qayb gashay isla markaana uu kamid ahaa Eng cumar dheere ayaa u balanqaaday ardayda qalinjabisay in ay siin doonaan shaqooyin kala duwan oo ku salaysan kuliyadaha ay ka qalinjabiyeen
Ugu danbaytii waxaa munaasabada soo gunaanuday Wasiirka Shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada cayaaraha Puntland Cabdulwali Indhu guran ayaa uga mahadceliyay jaamacada dadaalkeeda dhanka waxbarshada ee ay ka wado gobolka Mudug .
Wasiirka ayaa isna balanqaaday in wasaaradiisu ay balan qaadayso shaqaalaysiinta ardaydan qalinjabisay isagoona gudoonsiiyay shahaadooyinkii loogu talagay ardayda ka qalin jabisay jaamacada Puntland University of Science and Technology (PUST).