

Hargeysa Mar 17,2012 – Dagaal dhimasho iyo dhaawac tiro badan sababay ayaa ka dhacay deegaanka Gaashaamo ee gudaha kililka shanaad ee Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu booliska iyo al shabab.
Dagaalkan oo shalay ka dhacay deegaano ku dhow Gaashaamo ayaa la sheegay inay ku dhinteen tiro dad ah, kuwaasi oo isugu jira al shabab iyo ciidamada booliska ee dawlada ismaamulka Soomalida Itoobiya isla-markaana waxa jira dhaawacyo badan.
Dagaalkan niiman al shabab ku dhaawacmeen qaarkood la soo gaadhsiiyay cisbitaalka guud ee Magaaladda Hargeysa, si looga daaweeyo dhaawacyada dagaalkaasi ka soo gaadhay.
Dadkan dhaawacyadu ka soo gaadheen dagaalkan ee la keenay cisbitaalka guud ee Hargeysa oo tiradoodu tahay laba nin, ayaa hadda lagu daaweynaynaa cisbitaalka guud ee Hargeysa.
Wariye ka tirsan Ramaas oo dhaawacyadaasi booqday ayaa sheegay in xaaladoodu tahay mid culus.
Dhanka kale, deegaanka Gaashaamo ayaa laga soo sheegayaa in xaaladiisu kacsan tahay isla-markaana uu ka jiro hub urursi baahsan, waxaana laga cabsi qabbaa in mar labaad dagaal halkaasi ka qarxo.