ee wadamada Newzealand iyo Australia(Baasifiga).
Waxay si qoto dheer uga hadleen dhibaatooyinka aan kala go’a lahayn ee taliska gacan ku dhiigle Siilaanyo ee gabalkiisu sii dhacayo iyo horgalayaashu u geeystaan shicibka deegaamada Khaatumo,gaar ahaan gumaadkii reer lascaanod 7 bishan May 2012 oo dad rayid ah lagu laayey qaar kaloo badana loo taxaabay xabsiyada SNMta.
Dadkan oo ay kamid ah aayeen aaboyaal u xoogsanayey caruutooda, ilmo yay yar oo ku socday malcaamad quraan, hooyooyin ilmahooda caano sariibdaha uga raadsanayey oo ay ka mid ahayd hooyo umul ah oo ilmihii yaraa laga taxaabay.
Rayidkan aan waxba galabsan ayaa lagu hayaa xabsiyada SNMta ee mandheera iyo Burco, halkasa oo ay kala kulmaan jir dil, macaaluul iyo caafimaad daro.
Waxaanu canbaareeyn dusha uga turaynaa maamul ku sheega SNMta iyo horgaladooda, iyagoo hambalyo iyo taageero siiyey geesiyaashii 16/03/2012 kalsoo goostay tignikada taliska isir ladirirka ah ee siilaanyo iyo horgale Mahada Canbaashe.
Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan inta yar ee ku hadhay inay ku daydaan geesiyaasha sida aan kala go’alahayn uga soo qulqulaya Horagle Mahad Canbaashe wixii ka danbeeyey curashasdii KHATTUMO SATE OF SOMALIA.
Wabilaahi Towfiiq,
Guul Iyo Gobanimo..
Xuseen Cali Kawir



