PL Parliament spokesman :" MR.president term is 5 years "
Posted: Mon Mar 19, 2012 9:19 am
Garoowe [RBC Radio] Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay mudada ay xilka haynayso Xukuumada uu Hoggaaminayo Madaxweyne Cabdirixmaan Shiikh Maxamuud Faroole taasoo si aad ah loogu muran sanaa.
Md. Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa si cad oo aan ka leex leexad lahayn u sheegay in mudada xilka Madaxweyne yahay 5-sano taasina macnaheedu yahay in Doorashada Madaxweynaha Puntland la qaban doono bisha Janaayo ee sanadka 2014-ka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku tilmaamay hadalo kasoo yeeray Siyaasiyiin magac ku leh Puntland ee ku aadan wakhtiga Madaxweynuhu in uu yahay 4-sano kuwa ka hadlaya oo kaliya wax walba oo ku salaysan rabitaankood kuwaas oo aan ka fikirayn dad iyo dalba sida uu yiri.
.…..”””””Dalku dastuur buu leeyahay,dastuurkana dowladda tan ka horeeyay soo diyaariyay mudadiisu asaga ku qoran tahay,goleyaasha hadda jira maalinta ay bilowdeen ilaa maanta asaga ku shaqeynayeen,isku doorteen ,isku dhaariyeen asaga bay weli wadaan.cid afar sano lagu dhaariyey,mid saddex lagu dhaariyo, mid labo lagu dhaariyo mudadii Puntland jirtay ma arag mana jirin,marka umadda inbadan baa iska hadlaysa oo rabitaankooda ku salaynaaya oo dal iyo dad ka fikiraynin,dalku dastuur buu leeyahay waana 5-sano…””‘ayuu yiri.
Afti u qaadida Dastuurka Puntland ee la filayo in bisha April 15-keeda isugu imaan doona magaalada Garoowe ee caasimada Puntlad 480-ergo mar uu soo hadal qaaday ayuu xusay in uu si weyn usoo dhaweynayo talaabadaas.
..….”””””Waa qodob kamid ah dastuurka in si kooban afti loogu qaado dadka haddi suuragali waydo si bahsan oo one man one vote cod loo gaari waayo si kooban la isku yimaado dastuurkana noqdo mid umadda ansixisay….””’‘ayuu yiri.
Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa ka hadlay meesha uu marayo dhisamaha cusub ee Baarlamaanka isagoona sheegay in hadda gebogebo ku dhowyahay lana filayo in dhawaan Xariga laga jaro.
Siyaasiyiin badan oo mug kuleh Puntland ayaa qaba in mudada xilka Madaxweynuhu yahay 4-sano,waxaase Asbuucan gudihiisa shaaca ka qaaqay Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole oo sheegay in muddo 5-sano ah xilkiisu yahay taasina aysan ka hadal lahayn.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso