Somaliland Oo Mar Labaad Ku Celisay Inay Wada Hadal La Yeelanayso Soomaliya, Gacana Ka Geysan Doonto Nabadeynteeda Haddii Beesha Caalamku Ictiraaf Buuxa Siiso
Brusels (Ramaas) Mar 22,2012 – Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku celisay inauy diyaar u tahay inay wada hadal la yeelato dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya.
Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ku sugan caasimada dalka Bilgium-ka ee Brusels ayaa sheegay inay Soomaliya ula hadlayaan sidii laba dalka oo walaalo ah oo jaar ah, isaga oo sheegay inay gacan ka geysanayaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaliya.
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu tilmaamay in wada hadal kasta oo dhex mara Somaliland iyo dawlada ku meel-gaadhka ah ee Soomaliya uu ka dhalan karo xidhiidh mustaqbal “Wadahadal kasta oo ay yeelanayaan Somaliland iyo DKMG ah ee Soomaaliya waa mid abuuri kara xidhiidh mustaqbal oo ay yeeshaan labada dhinac” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Somaliland waxay ula hadlaysaa Soomaaliya sidii dowlad ay jaar yihiin oo kale."
Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu ku dooday in gooni isu taaga iyo Madax-banaanida Somaliland ay tahay lama taabtaan “Somaliland waxay gacan ka geysanaysaa nabad raadinta Soomaaliya, haddii ay ka hesho beesha caalamka aqoonsi buuxa” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.
Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa la filayaa inta uu halkaasi ku sugan yahay uu kulamo la yeesho Madaxda dalka Bilgiumka.
Somaliland and Somalia talks but quest for state hood sacred
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 490 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 18 Replies
- 3017 Views
-
Last post by knet
-
- 1353 Replies
- 148565 Views
-
Last post by HilaacHills
-
- 91 Replies
- 12725 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 37 Replies
- 2951 Views
-
Last post by miskeen86
-
- 59 Replies
- 7589 Views
-
Last post by gurey25
-
- 65 Replies
- 8031 Views
-
Last post by Saraxnow
-
- 7 Replies
- 683 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 24 Replies
- 3002 Views
-
Last post by gurey25
-
- 19 Replies
- 2985 Views
-
Last post by theyuusuf143