
Maxaan ka baranay maamuladii nasoo maray [Faallo]
Updated:- 6 hours ago| 14 Commnets
Tan iyo markii la aas aasay Dowladda puntland, waxaa uu shacabku soomaray marxalado kala gadisan oo ay kamid yihiin in aysan cidna dooran, in aysan adegii dowladda lagarabay helin iyo in aysancodku lahayn waxna aysan dooran Karin.
Shacbka reer P/land waxaa ay ku amaanan yihii tanaasul iyo dulqaad, waxa ay wax kasta dhaafsadaan nabadda iyo hormarka, waxaana ay madaxdii wadanka soo martay ka ogolaadeen in ay Kursiga kusii fadhiyaa waliba ayaga oo aan waxba tarayn.
Madaxweynihii ugu horeeyey ee P/land Mudane: C/lahi Yusuf Axmed, waxaa uu Goboladda P/land xilka u qabtay 1998dii waxaana dowladiisa loo doortay in ay wadanka ka hir galiso nidaamka Dowladdanimada.
Dowladaan oo ahayd tii ugu horaysay maamulka P/land, waxaa ay muujisay dhaqdhaqaaq wanaagsan waxaana ay keentay dhibaatooyin curad ah oo aan horay u jirin iyo kuwo soo jireen ah.
Hormarka.
1. Waxaa ay dhistay oo hirgalisay nidaam Dowli ah oo fadhiya.
2. Waxaa ay hirgalisay oo fariisisay nidaamkii aruurinta Canshuurta.
3. Waxaa ay dhistay Xoog military oo awood leh loogana cabsado P/land.
4. Waxaana ay awood siisay Odayaasha oo ay kala shaqaynaysay Nabadaynta iyo xalinta Khilaafaadka.
Dib udhaca.
1. Dowladu wax daryeel ah ma aysan siin Arimaha Bulshada Noockasta oo ay yihiin.
2. Dhalintii P/land kama aysan caawin wax barashada ee waxay isugu gaysay Qoriga.
3. Dowladdu waxaa ay kororsatay Xilkii loo igmaday ayada oo bur burisay sharcigii lagu hishiiyey ee P/land u yaalay.
4. Dowladda waxaa ay weerartay Gololadda P/land qaarkood oo ay kula dagaalantay bulshada qayb ka mid ah.
5. Dowladda nidaamkeedu maahayn mid dhaafsiisay inta ay Madaxdu joogta.
6. Madaxweyne C/laahi markii uu ka tagay xilka waxaa uu bur buriyey cududii Milatari ee wadanka u dhisnaa, taas oo sababtay in cadawgu dhaco dhulkii p/land.
Dowladdan wixii dhaca waxaa ka caawin jiray Odayaasha oo ka hortagi jiray in ay dagaalo dhacaan Odayaasha Dhaqanka. Oo gole joogto ah ahaa.
Wax caqabado ah oo dowladdan ka horyimid oo aad u waaweyn majiraan, marka laga reebo Ummada oo dagaal kasoo daal ahayd iyo Dagaalkii ay xilkororsiga kala kulantay.
Madaxweynihii labaad waxaa uu ahaa Md. Maxamed Cabdi Xaashi, waxaa uu ahaa madaxweynihii ugu xilka yaraa madaxweynayaashii soomaray P/land waxaana uu hayey Mudo gaaban, Maxamed Cabdi Xaashi waxaa loosoo jeediyey in uu xilka madaxnimada Kororsado, guurtid iyo baarlamaankuna ay raali kayihiin, waxaase uu kusoo koobay in uusan diyaar u ahayn in uu furo wadadii ay P/land ku bur buri lahayd.
Mudane Maxamed waxaa uu Dowladda P/aland ka qabtay Doorasho sixalaal ah ku dhacday, waxaana xiligaas ummadda mas’uul ka ahaa Odayaal dhaqameedka Golaha Issimadda P/land, wadankana waxkasta waxaa y usoconayeen si wanaagsan, doorashiida waxaa ay u dhacday sixalaal ah oo uu kusoo baxay Muddane Cadde Mussu.
Madaxweynihii Sadexaad Md. Cadde Muuse Boqor, waxaa uu xilka hayey mudaddii loogu tala galay oo ahayd 4sanadood, waxaana ladoortay Daba yaaqadii sanadkii 2004dii, waxaana uu xilkiisa ka dagay 2008. Asaga oo qabtay doorasho xalaal ah oo sihufan loogu tar tamay madaxnimada P/land.
Dowladii Cadde Muuse waxaa ka hor yimid caqabado badan wax bandann waa ay ka dhimanaadeen.
Hormarka.
1. Waxaa ay biloowday baaritaankii shidaalka P/land.
2. Waxaa ay ku guulaystay Dagaalkii ay lagashay Maxaakiimta.
3. Wadanka intiisa badan waxaa uu ahaa amaan la isku halayn karo.
4. Waxaa Door wanaagsan ku lahaa isimadda P/land oo wax badan ka caawiyey.
5. Waxaa ay dowladdu musharixiinta u ogolayd in ay sameeyaan Olo ole taageero raadis ah, amaankooduna wuu sugnaa
Maxay lumisay.
1. Dowladdii cadde waxaa bur buray Cududii Milatari ee P/land.
2. Waxaa gacanta kabaxay Gobolo P/land ah, oo ay Soomaliland Qabsatay
Milatariga bur buray Awgiis.
3. Waxaa mushaar waayey dhamaan ciidmadii Dowladda Waxaa kubaahay Musuq maasuqa.
4. Waxaa bur bursanaa habka isku xiraanta maamulka Dowladda.
5. Wax la xisaabtan ah oo dowladda u dhexeeyey majirin.
Dowladdan waxaa ka hor yimid caqabado ay ugu waa weynaayeen Masiibooyinkii Sunaamiga ee xeebaha P/land, Abaaro iyo dagaalkii Maxaa kiimta.
Madaxweynihii Afraad Md.C/raxmaan Shiikh maxamed Maxamuusd (Faroole), waxaa uu xilka kula wareegay Doorasho xor ah, oo uu kusoobaxay Aakhirkii 2008Waxaana xilkaas loogu dhaariyey in uu 4ta sanadood ee soosocota xilkaas hayo.
Hor marka.
1. Dowladdu waxaa ay Golaha wasiiradda u xulatay Dad aqoon yahano ah.
2. Waxaa ay hagaajisay Habdhaqankii maamulka, Canshuuraha iyo isku
xiraanta dowladda dhexdeeda ah.
3. Waxaa ay Dowladdu dhistay Magaalo madaxda Garoowe amaankeeduna uu
wanaagsan yahay.
4. Waxaa ay la xisaabtan tay Dowladda Federaalka ah, waxayna qabatay
shirar dastuurka looga doodayo.
5. Waxaa ay qabatay Ciyaarihii goboladda Soomaaliya oo nabad ku dhamaaday.
Maxay Lumisay.
1. Dowladdu waxaa ay gacmaha kalaabatay Amaanka magaalooyinkaa waaweyn ee P/land, Markii laga reebo Garoowe.
2. Shacabka P/land waxaa uu dhibane u yahay dagaaladda iyo weerarad Joogtada ah ee kaga imaanaya Xuudda Waqooyi iyo Tan Koonfureed oo aysan dowladdu waxba ka qaban.
3. Nidaamkii xisbiyada badan ee ay dowlladu balan qaatay ma aysan fulin.
4. Waxaa ay kala cayrisay Isimadii iyo nabadoonadii dadka kala hagayey.
5. Waxaa khatar u gashay in ay kala xirmaan Xarunta ganacsiga P/land Boosaaso iyo Goboladii kale oo aan ilaa iyo hada la isku halayn Karin amaanka wadadaas, iska daaye aan la sheexan Karin kantaroolka koonfureen ee Boosaaso.
6. Dhamaan ganacsigii P/land iyo Shirkadihii waxaa uu Madaxweynuhu ku xiray in ay sheer kuyeeshaan Wiilashiisa ama aan aqoonsi lasiin.
7. Waxaa dilaacday Colaad udhaxaysa Beelo oo ay dowladdu odayaashii
ka dhexsaartay cudud dowlad nimada wax uga qaban wayday.
8. Xarumaha Dowladda Sida Saldhigyada iyo Xabsiyada magaalooyinka waaweyn Waa loo qaaraantaa Markii laga reebo Garoowe.
9. Wax tarka iyo shaqada Dowladdu madhaafto Garoowe iyo midda diyaaradda lala raaco.
10. Waxaa furmay Maamul Goboleedyo ka sii jajabay Dowladii P/land, sida Khaatumo stat, Casayr land iyo Galbeedka Mudug, IWM.
11. Madaxweynaha ayaa isku dayey in uu hor istaago mashaariic laga fulin lahaa Mudug iyo Kar kaar, asaga oo ku xiray in laga hor mariyo Nugaal.
12. Dowladdu waxaa ay ku egtahay Garoowe Mana soo gaarto Magaaldda Jalam iyo Kalabayr.
13. Waxaa bilaabatay Aano Qabiil oo gaartay in wasiiro ladilo, ayna sabab u ahayd Dowladda oo isbaarooyin wax ka qaban weyday.
14. Dowladdu waxaa ay weerartay Gal galo oo ay Odayaal xalin kareen dhibkeeda waana ay ku fashilantay, wali waa ay taagan tahay!.
15. Dowladdu waxaa ay weerartay Garsoor oo amuurteeda odayaal xalinkareen waana ay ku fashilantay.
16. Dowladdu waxaa ay weerartay Garacad oo ay odayaal xalin kareen waana ay ku fashilantay.
17. Baarlamaanka P/land maahan mid u adeega Shacabka, waxna madiido waxna mayeelo.
18. Madaxweynuhu waxaa uu qorshaystay Dhibkaas oo dhan oo jira in uu Xilka siikororsado. 19. Wuxuu diiday in hal musharax wadanka Yimaado kiijoogaana uu kahadlo.
20. Saxaafadda tii aan amaanin waa uu xirayaa, wadankana kama shaqayn karto.
Dowladda Madaxweyne Faroole waxaa ay la kulantay Dhibaatooyin ay kamid ahayd Wadanka goboladda qaarkood meesha ka maqnaayeen, ayada oo ay jiraan dhibaatooyin Madhabta iyo caqiidada ah, dilal qorshaysan iyo Qaraxyo.
Waxaa kale oo caqabad ku noqotay Cududii Isimadda iyo Nabadoonada oo ay dowlladdu meesha ka saartay, taas oo dowladda iyo isimadaba Caqabad ku Noqotay.
Isimadda oo P/land colaadeeda ka hortagi jiray waxaa ay ku kaliftay in ay dhib kasta markii uu dhaco ay soogalaan maadaama aysan dowladdu u ogolayn marka hore.
Gunaanad iyo tala bixin.
Maamuladda kala gadisnaa ee soomaray P/land ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo mid kastaa meel gaar ah ka fakarayo, miskatana waxaa uu ku can baxay in uu dayaco tan uu isha ku hayo maahane inta kale.
Sikastaba ha ahaatee Umadda P/land waxaa looga baahan yahay in ay wax kasta kudoontaa si nabad ah, maadaama ay Dowladdu haatan ku jirto marxalad adag. Ayna doonayso in ay kororsato xilka Taas oo khatar u ah in ay dadka reer P/land mar labaada Dib ugu laabtaan dagaal lamid ah Kii 2001dii, ee p/land ay kasoo gudubtay.
Mustafe Cabdulcasiis aw Yuusuf
Jiriiban Mudug Puntland
