Thu 22nd Mar,2012
Buuxinta jagooyinka ka bannaan ee Shirguddoonka Wakiillada oo hadhaysay kulanka + mowqifka KULMIYE la shirtagay + jawaabta Madaxweynaha + xildhibaanno u tanaasulay mudane reer Gabiley ah
Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo hoggaanka xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa la sheegay inay kulan xaasaasi ah ku yeesheen shalay xarunta Madaxtooyada ee caasimadda Hargeysa.
Ma jiro war rasmi ah oo hoggaanka KULMIYE iyo Madaxweyne Siilaanyo ka soo saareen kulanka dhexmaray.
Hase ahaatee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in kulankaas labada dhinac si qoto dheer ugu lafagureen qodobo ay ka mid yihiin xaaladaha dalka, doorashooyinka goleyaasha degaanka, buuxinta jagooyinka ka bannaan shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo la sheegay inuu ka xasaasiyadda badnaa iyo qodobo kale la xidhiidha arrimaha xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyaha iyo Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah madaxda xisbul-xaakimka ee kulanka la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, ayaa ilo-wareedyadu sheegeen inay Madaxweyne Siilaanyo kala hadleen diyaargarawga xisbigu ugu jiro tartanka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa ama loo sixi lahaa khaladaadka masuuliyiinta dawladdu galaan si aanay dhaawac ugu geysan sumcadda iyo taageerada KULMIYE oo tartan adag la geli doona labada xisbi qaran ee UDUB, UCID iyo urur-siyaasadeedyada cusub ee dalka ka abuurmay.
Waxa kaloo la sheegay in hoggaanka xisbiga KULMIYE ay kala hadleen Madaxweyne Siilaanyo buuxinta jagooyinka Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad iyo labaad ee Golaha Wakiillada oo ay banneeyeen wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Md. Baashe Maxamed Faarax oo labadooduba xilalka iska casilay toddobaadkan, iyadoo labada xubnoodba ka mid yihiin mudanayaasha Golaha Wakiillada ee xisbiga KULMIYE uga soo baxay gobollada Hargeysa iyo Sool.
Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la sheegay inay Madaxweynaha u bandhigeen sidii loo taageeri lahaa in jagada Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada loo doorto mudane ka soo jeeda gobollada galbeedka ee Hargeysa, Saaxil iyo Gabiley (beelaha Habar Awal), halka la sheegay in madaxtooyaduna dabada ka riixayso siduu booskaas u buuxin lahaa xildhibaan ka soo jeeda dhinaca gobollada bari ee dalka, siiba degaannada Sool iyo Buuhoodle (beelaha Dhulbahante), waxana socda loollan adag oo loogu jiro buuxinta jagooyinka ka bannaan Shirguddoonka Golaha Wakiillada.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa la sheegay inuu si adag ula hadlay madaxweyne Siilaanyo, isagoo ka dalbaday in la taageero Md. Ibraahim Axmed Haybe oo u sharraxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, kadib markii ay booskaas uga tannaasuleen saddex mudane oo ka soo jeeda degaannada Hargeysa, Saaxil iyo Gabiley, isla markaana damac kaga jiray murrashaxnimada ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada.
Ma cadda mowqifka Madaxweyne Siilaanyo ka qaatay dalabka ay hordhigeen xubnaha ka socday hoggaanka xisbiga KULMIYE ee la xidhiidha buuxinta jagooyinka loollanka adag loogu jiro ee ka bannaan Shirguddoonka Wakiillada.
Haseyeeshee, waxa la sheegay inuu Guddoomiyaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ka dalban doono dib-u-dhigista fadhiga golaha ee qabsoomi doona maalinta Sabtida ee soo socota, kaasoo la filayo in lagu doorto mudanayaasha buuxin doona labada kursi ee ka bannaan xubnaha shirguddoonka wakiillada si looga shaqeeyo inay tanaasulaad sameeyaan mudanayaasha badan ee loollanka ugu jira jagooyinkaas.
Waxa kaloo Madaxweynuhu u ballanqaaday madaxda KULMIYE sidii loo dhayi lahaa wixii khalad ah ee ka dhaca masuuliyiinta dawladda, isagoo hoggaanka KULMIYE-na ku boorriyey inay ka shaqeeyaan sidii KULMIYE uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee la filayo inay ka soo baxaan tartanta doorashooyinka goleyaasha degaanka.
Dhinaca kale, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada oo ka gaabsaday in la magacaabo, ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey xalay in saddex xubnood - Md. Siciid Cilmi Rooble, Md. Cabdikariin Aw Cali Shabeel iyo Md. Maxamed Xuseen Xaaji Ciise oo ka mid ah murrashaxiinta hunguraynayey booska Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ay u tanaasuleen Md. Ibraahim Axmed Haybe oo u taagan buuxinta booskaas, waxaanna ku lamaan oo isna taageeradiisa wata Md. Xamse Gaadaweyne oo ka soo jeeda degaannada Buugoodle, una sharaxan jagada guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee wakiillada, halka la sheegay in sidoo kale jagada Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad uu u sharraxan yahay Md. Baashe Maxamed Faarax oo toddobaadkan iska casilay xilka guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada.
Md. Ibraahim Axmed Haybe oo ay xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Hargeysa, Saaxil iyo Gabiley (Habar Awal) uga tanaasuleen murrashaxnimada jagada guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ka mid yahay mudanayaasha sida joogtada ah uga soo xaadira fadhiyada golaha, isagoo subax kasta ka soo shaqo taga magaalada Gabiley oo uu deggan yahay, iyadoo taasina sababtay in xildhibaannada ay isku degaanka yihiin uga tanaasulaan murrashaxnimada ku-xigeenka 1aad ee Samaale banneeyey, iyadoo la sheegay in xildhibaannada Golaha Wakiillada ee ka soo jeeda gobolada Hargeysa, Saaxil, Gabiley iyo taageerayaashooda kaleba ay Khamiista maanta kulan qado ah ku yeelan doonaan hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa